" Oday Mooryaan Ah Inuu Yahay Ma Nin Diidan Baa Jira? "...Muj Cali Guray Oo Gudoomiyaha Guurtida Eedeymo Culus Hawda U Mariyey

0
Monday February 13, 2017 - 16:51:30 in by Burco Office
  • Visits: 584
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    " Oday Mooryaan Ah Inuu Yahay Ma Nin Diidan Baa Jira? "...Muj Cali Guray Oo Gudoomiyaha Guurtida Eedeymo Culus Hawda U Mariyey

    Muj Cali Guray oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa waxaa uu eedeymihii ugu cuslaa u jeediyey gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleeban Maxamuud Aadan Image may contain: 1 person, sunglasses, text and outdoor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sorry: It seems that you don't have flash PlayerGet the Flash Player hereWith out flash Player you cannot watch our videos.

Muj Cali Guray oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa waxaa uu eedeymihii ugu cuslaa u jeediyey gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleeban Maxamuud Aadan Image may contain: 1 person, sunglasses, text and outdoor Muddane Cali Guray waxaa uu gudoomiye Saleeban ku sifeeyey in uu yahay odey mooryaan ah , cadowna ah isla markaana waxaa uu ku eedeyey qaabkii uu shalay u shir gudoominaayey fadhigii wada jirka ahaa ee ay isku yimadeen labada gole baarlamaan waxaana uu yidhi "Waxan halkaa ugu dibjiray ma Saleebaan Gaal bay noqotay. Allaa qadaray. Shalay soomaali oo dhan baa daawanaysay inu guurti yahay iyo inu gaal cadow ah yahay iyaga ayaa xukumi. Ninkii gabayga tiriyay wuxu yidhi: CAKU MUDANAHAYGII MOORYAANTU DHAANTOW Oday mooryaan ah inu yahay ma nin diidan baa jira? Waa kii dadka isu keeni lahaa oo u tafoxaydan inu kala firdhiyo 1990kii ayuu Xamar ka soo baxsaday halgan Baligubadlle umuu iman inu fidno ka dhex rido SaNM iyo Isaaq ayuu u yimi. Hadii aan la iska garan oo aan la isu tanaasulin waa la kala tegi lahaa. Waxa la ogolaaday oo si sharkiisa looga badbaado loo ogolaaday in markii ugu horaysay taariikh SNM loo jebiyo Xeerkii Mujaahidka oo ahaa Dastuurkii SNM. Isaga arkayay oo maqlayay dagaalkii afka ee Xeerka aan ixtiraamno iyo dhinicii cadhaysnaa ee tanaasulay oo leh diidnay ayuu caqligiisu siiyay in odhan waayo "waar aniga daraaday SNM u burburi mayso eh xeerkiina raaca". Aakhirkii waxay noqontay Xeerka SNM waxa ka mudan midnimada SNM. Sidaas ayuu ku helay inu noqdo xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee SN. Saleebaan waa kii maalintaa oo waa kii Shalay. Madaxwaynahana sharaftiisa iyo karaamadiisu kuma jirto habdhaqanka Saleebaan Gaal. Madaxwaynaha waxa ehel u ah ka dadka dhexdooda wanaag ka dhalinaya ee isu keenaya ee heshiisiinaya laakiin ka kala kaxaynaya ee isku diraya ee dhexdooda fidno ka abuuraya sida Saleebaan Gaal ehel uma ah " ayuu yidhi Muj Cali Guray