Ku Dhawaad 30 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Muqdisho

0
Sunday February 19, 2017 - 16:56:06 in by Burco Office
  • Visits: 690
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku Dhawaad 30 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Muqdisho

    Ku dhowaad 30 qof oo Shacab ah ayaa ku geeriyooday qarax duhurnimadii maanta ka dhacay Xaafada Kaawo Godeey ee Degmada Wadajir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku dhowaad 30 qof oo Shacab ah ayaa ku geeriyooday qarax duhurnimadii maanta ka dhacay Xaafada Kaawo Godeey ee Degmada Wadajir.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob aad umashquul badneyd oo ay dadku isugu yimaadaan, waxaana ka dhashay khasaare xooggan oo soo gaadhay dad shacab ah, Goobta qaraxa waxa ay eheyd Boosteejo Baabuurta laga raro, Xarumo ganacsi oo yaryar iyo goobo ay haweenka ku iibiyaan Qaadka.

Saraakiil katirsan NISA ayaa sheegay in gaari nooca Harrier-ka ah uu qaraxa sameeyay uuna watay Qof isku soo xidhay waxyaabaha qarxa oo doonayay inuu dhibaato ugeysto Shacabka.

Goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa durbaba gaadhay Saraakiiol katirsan laamaha amniga iyo Gudoomiyaha degmada Wadajir, halkaas oo laga sameeyay howlgal kooban.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in goobta uu buux dhaafiyay hilibka dadweynihii lagu gumaaday Kaawo Godeey, dadka ayaa isku uruurinayay Hilbaha Bini’aadamka oo daadsanaa goobta.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, CabdiFitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in kooxihii qaraxa soo diyaariyay ujeedkoodu ahaa oo kaliya dhibaateynta bulshada Soomaaliyeed.

Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ka dhacay Muqdisho tan iyo markii la doortay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.