Madaxwayne Ku Xigenka Somaliland Oo Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay Gudoomiyihii Gobolka Badhan Oo Hargeysa Ku Geeriyoodey.

0
Tuesday February 21, 2017 - 14:58:04 in by salman abdi
  • Visits: 677
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Ku Xigenka Somaliland Oo Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay Gudoomiyihii Gobolka Badhan Oo Hargeysa Ku Geeriyoodey.

    Madaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay Gudoomiyihii Gobolka Badhan Oo Hargeysa Ku Geeriyoodey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay Gudoomiyihii Gobolka Badhan Oo Hargeysa Ku Geeriyoodey.


Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa Masuuliyiinta qaranka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdixakiin Axmed Maxamuud (Wahaabi), oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta oo ay taariikhdu tahay 21/02/2017.


 

 

Marxuumku waxa uu ahaa gudoomiyaha gobolka badhan ee Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxweyne ku-xigeenkuna waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul hawlkar ah, door la taaban karana ka ciyaaray arrimaha nabadaynta iyo dib u dhiska dalka iyo gobolka uu gudoomiyaha u ahaa.


Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo masuuliyiinta qaranka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.