Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Diyaarinaya Mooshin Cusub.

0
Monday March 06, 2017 - 09:57:22 in by salman abdi
  • Visits: 552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Diyaarinaya Mooshin Cusub.

    Muqdisho(AFKA);Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku mashquulsan diyaarinta Mooshin ka dhan ah Saldhiga Milatari ay Dowlada Imaaraatka Carabta ka dhisaneyso Garoonka Diyaaradaha Magaalada Berbera.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA);Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku mashquulsan diyaarinta Mooshin ka dhan ah Saldhiga Milatari ay Dowlada Imaaraatka Carabta ka dhisaneyso Garoonka Diyaaradaha Magaalada Berbera. Sida aan Wararka ku heleyno Xildhibaanadan diyaarinaya mooshinka ayaa kasoo horjeeda qorshaha ay dowlada Imaaraatka kula wareygeyso garoonka Diyaaradaha magaalada Berbera halkaas ay ka dhiganeyso Saldhig Milatari.

Xildhibaanada diyaarinaya mooshinkan cusub ayaa sheegay in heer gabo gabo ah u mareyso mooshinkan cusub ayna rajeenayaan in maalmaha soo aadan la horgeeyo Baarlamaanka si ay uga doodaan go'aana uga gaaraan.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeeda saldhiga Milatari ee Dowlada Imaaraatka ka dhisaneyso Garoonka Diyaaradaha magalaada Berbera, waxaana arintan ay xumeesay xirirkii ka dhaxeeyay Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka.

Maamulka Somaliland ayaa kula heshiisay Dowlada Imaaraatka in Saldhiga Milatari ka dhisato garoonka Diyaaradaha ee Berbera, waxaana maamulka Somaliland heshiiskaasi ay meel mariyeen labada aqal ku heleen malaayiin Dollar oo lacag ah.