Soomaaliya Oo Maraykanka Iyo Masar U Wakiillatay Inay Imaaraadka Ku Qanciyaan Inuu Joojiyo Saldhigga Berbera

0
Sunday March 19, 2017 - 11:43:23 in by salman abdi
  • Visits: 540
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya Oo Maraykanka Iyo Masar U Wakiillatay Inay Imaaraadka Ku Qanciyaan Inuu Joojiyo Saldhigga Berbera

    Soomaaliya Oo Maraykanka Iyo Masar U Wakiillatay Inay Imaaraadka Ku Qanciyaan Inuu Joojiyo Saldhigga Berbera + Xaalad Kale Dowladaha Mareykanka iyo Masar, ayaa ku soo biiray dhex-dhexaadinta laga dhex wado dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Car

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya Oo Maraykanka Iyo Masar U Wakiillatay Inay Imaaraadka Ku Qanciyaan Inuu Joojiyo Saldhigga Berbera + Xaalad Kale Dowladaha Mareykanka iyo Masar, ayaa ku soo biiray dhex-dhexaadinta laga dhex wado dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kaasi oo ku aadan saldhigga Militari ee Imaaraadka uu damacsanyahay in uu ka dhiso dekadda Berbera ee Somaliland.


Dhaxal Sugaha Isutagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan, ayaa sheegay in saddex dowladood ay ku jiraan wada hadalka u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.


 

 

Wargeyska Egypt’s Al-Watan Newspaper, ayaa daabacay wareysi uu la yeeshay Sheekh Maxamed, "Heshiiska waxaa lala galay dowladdaha Masar iyo Soomaaliya, waxaana uu dhigayaa in Deked ganacsi imaaraadka uu ka dhisto gacanka Aden” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray "Heshiis kale ayaa dhigay in Imaaraadka uu maamulo mudo 30 sano ah Dekedda Berbera” intaasi ayuu hadalkiisa uu ku sii daray.


Badhtimihii bishii lasoo dhaafay ee February, Baarlamaanka Somaliland ayaa ansixiyay heshiis ay Somaliland iyo Imaaraadku ku galeen in saldhig militari uu Imaaraadku ka sameysto magaalada Berbera, heshiiskaas oo soconaya muddo 25 sano ah.


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka dalbaday dhex dhexaadin in ay ka sameyso Sacuudiga, sidii ay ugu qancin lahayd dowladda Imaaradka Carabta in ayna dhamaystirin saldhig Milateri ay ka dhisaneyso Dekadda Barbera ee Somaliland.


Dowladda Dhexe ee Soomaaliya sideey u aragtaa:

Dowladda Soomaaliya, ayaa Imaaraadka ku tilmaamtay in shaki galineyso madaxbanaanida Qaranimada Soomaaliya, waxaana dowladda ay muujisay sida ayna ugu qanacsaneeyn saldhigga military, wallow Somaliland tahay Dal ka Madax-bannaanidiisa kala soo noqday Soomaaliya 1991-kii isla-markaana isku Maamula si gaar ah, inkasta oo aanu Beesha Caalamka ka helin Aqoonsi.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wada mooshin ka dhan ah Saldhigga Milateri ee Imaaraadka carabta ka sameysaneyo magaalada Berbera ee Somaliland.


Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in heer gabo gabo ah uu u marayo diyaarinta mooshinkan, ayna maalmaha soo socda hor-geyn doonaan Guddoonka Baarlamaanka.


Dowladda Imaraadka Carabata maxey ku jawaabtay:


Waxaa soo baxay warar sheegayay in Imaaraadka ay safiirkooda kala baxeen Soomaaliya.Mid ka mid ah Saraakiisha Safaaradda Imaaraadka ee Magaaladda Muqdisho, oo Warbaahinta la soo xidhiidhay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in dolwadda Imaaraadka Carrabta ay u yeedhatay safiirkeeda ka jooga Soomaaliya ee lagu magacaabo, Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.


Warbaahinta Soomaalida ayaa baahiyay in Al Hammadi , uu dib ugu noqday dalkiisa, ka dib markii Imaaradka ay ka cadhoodeen go’aankii diidmada ahaa ee dowladda Soomaaliya ka soo baxay ee ku saleysnaa saldhiga military.


"Waxaad la socotaa in safiirka uu ku sugnaa xafladdii caleema saarka madaxweyne Farmaajo, waxba kama jiraan in dowladda Imaraadka safiirkooda ay kala baxday soomaaliya, howllo shaqo ayuu soomaaliya uga maqan yahay, dhawaan ayuuna dib ugu soo noqonayaa Muqdisho, xidhiidhka Somaliya iyo Imaaraadka wax mugdi ah kuma jiro” ayuuHiiraan OnlineooHimiloka soo xigatay Warkan u sheegay sarkaal ka tirsan safaaradda Imaaraadka ee Magaaladda Muqdishu oo diiday in magaciisa la xuso.



Xigasho WARGEYSKA HIMILO.