Cilmibaaris: Saliidda kalluunku waxba kuma kordhiso garaadka carruurta

0
Thursday March 23, 2017 - 12:06:14 in by salman abdi
  • Visits: 543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cilmibaaris: Saliidda kalluunku waxba kuma kordhiso garaadka carruurta

    In hooyooyinka uurka leh ay isticmaalaan saliid kalluun waxba kuma kordhiso koritaanka maxkasda ilmaha ay wadaan, sida lagu sheegay cilmi baaris cusub oo la sameeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In hooyooyinka uurka leh ay isticmaalaan saliid kalluun waxba kuma kordhiso koritaanka maxkasda ilmaha ay wadaan, sida lagu sheegay cilmi baaris cusub oo la sameeyay.

Dumarka uurka leh ayaa loo xayaysiin jiray saliidda Kalluunka.

Laakiin cilmi baaris socotay muddo toban sano ah oo lagu sameeyay 2,500 dumar ah oo uur leh ayaa lagu ogaaday in aysan saliidaasi waxba ku kordhinin garaadka carruurta uurka ku jirta sida ay sheegayso cilmi baaris ay sameeyeen dad reer Australia ah.

Cilmi baaristan ayaa tilmaantay in saliidda kalluunku ay wax yar u roontahay uurka laftiisa, balse arrintaasi ay u baahan tahay in cilmi baaris dheeri lagu sii sameeyo

Dr Jacqueline Gould oo ka mid ah cilmi baareyaasha warbixintan ayaa BBC-da u sheegay in ay wanaagsan tahay in haweenku ay qaataan cunto dheelitiran balse saliidda kalluunku aysan waxba ku kordhinaynin koniinka maskaxda ee ilmaha.



Xigasho/BBC Somali