Xukuumada Somaliland Oo Markii Ugu Horaysay Shaaca Ka Qaaday Wakhtiga Dib Loo Furaayo Dhoofka Xoolaha Somaliland

0 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Markii Ugu Horaysay Shaaca Ka Qaaday Wakhtiga Dib Loo Furaayo Dhoofka Xoolaha Somaliland

    Xukuumada Somaliland Oo Markii Ugu Horaysay Shaaca Ka Qaaday Wakhtiga Dib Loo Furaayo Dhoofka Xoolaha Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland Oo Markii Ugu Horaysay Shaaca Ka Qaaday Wakhtiga Dib Loo Furaayo Dhoofka Xoolaha Somaliland

Xukuumada Somaliland Oo Markii Ugu Horaysay Shaaca Ka Qaaday Wakhtiga Dib Loo Furaayo Dhoofka Xoolaha Somaliland

Wasiiru dowlaha wassaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland, Cabdirashiid Maxamuud (Riyaraac), oo wareysi gaar ah siinayey laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa sheegey in dhakhaatirtii Sucuudiyaanka ahayd ee hawlaha indho-indheytna dhanka xoolaha u joogey Somaliland ay rajo fiican ka muujiyeen caafimaad qabka xoolaha Somaliland.

Iyada oo dhawrkii maalmoood ee ugu danbeeyay kormeer ku marayey maxjarada lagu baadho caafimaadka xoolaha nool ee loo dhoofiyo dibedda ee ku yaalla magaalooyinka Berbera iyo Burco koox dhakhaatiir xoolaha ah oo ka socday wasaaradda beeraha iyo xoolaha ee dalka Sacuudi Carabiya.

Sidoo kale waxaa la shaaciyay wakhtiga rasmiga ah ee la furayo suuqi xoolaha Somaliland ee la xayiray Dhakhaatiirtan Sacuudigu waxay eegayeen tayada shaybadhada caafimaadka xoolaha iyo goobaha lagu sii nasiyo xoolaha, iyadoo sida laga warqabo Sacuudi Carabiya oo ahayd sayladda ugu weyn ee xoolaha Soomaalida loo dhoofiyo ay joojisay xoolaha Soomaalida bishii Oktoobar ee sannadkii ina dhaafey ee 2016.

Maxjarada Berbera ee ay tageen dhakhaatiirtaasi ka sokow waxay shalay tageen maxjar ku yaalla magaalada Burco.Cabdirashiid isaga oo arrimahaasi ka hadleya waxaa uu yidhi.”Dhakhaatiirtu inay meel walba maraan oo Berbera maraan oo Muqdisho ku danbeeyaan ayaa loo soo diray boqolkiiba boqol ayay ku qanceen baadhistoodi waxaana ay noo sheegeen dhab ahaan inay xooluhu caafimaad qabaan inkasta oo ay jirto qodobo koob kooban oo leysula noqonayo ka dawlad ahaan lagana wada hadlayo sidii looga wada hadlilahaa sidii aan wax danbe u dhici laheyn”

Wasiiru dowlaha wassaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland, Cabdirashiid Maxamuud (Riyaraac), oo wareysi gaar ah siinayey laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa waxaa uu hadalkiisa sii raaciyey.

 

”Waxaaana na loo sheegay in wakhtiga bisha Rabaadaan ka horreysa xoolihii la fasaxayo hase ahaate leys dhaafsan doono qoraalo anaguna aanu ka jawaabi doono arrintaasi marka ay meel fadhiisato uun xoolaha la furayo iyo nidaankii neefka xoolaha ah la marin lahaa inta gaadhiga laga soo saarayo ilaa laga gaadhsiinayo maxrajka”Ayuu yidhi Wasiiru dowlaha wassaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland, Cabdirashiid Maxamuud (Riyaraac), oo wareysi gaar ah siinayey laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da.