Gudoomiye kuxigeenada maamulka Gobolka Banaadir oo maanta Xilka la wareegay

0
Tuesday April 25, 2017 - 15:12:12 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 451
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye kuxigeenada maamulka Gobolka Banaadir oo maanta Xilka la wareegay

    Waxaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay Gudoomiye kuxigeenada cusub ee loo soo soo magacaabay maamulka gobolka Banaadir iyo xoghayaha maamulka gobolka .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay Gudoomiye kuxigeenada cusub ee loo soo soo magacaabay maamulka gobolka Banaadir iyo xoghayaha maamulka gobolka . Afarta Gudoomiye kuxigeen uu yeeshay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo xoghaya gobolka Banaadir ayaa shalay si rasmi ah loo magacaabay, waxa ayna masuuliyintan maanta xilkooda kala wareegeen masuuliyiintii xilka laga qaaday.

Gudoomiye kuxigeenada cusub ee maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta la wareegay xafiisyada ay ku shaqeyn doonaan, waxaana lagu wareejiyay dukumiintiyo muhiim ah oo horey u yaalay xafiisyada ay la wareegeen.

Qaar kamid ah Gudoomiye kuxigeenadii xilka laga qaaday ayaa sheegay in ay wax badan soo qabteen inta ay xilka hayeen, waxa ayna xuseen in ay taageerayaan lana shaqeyn doonaan masuuliyiinta cusub ee lasoo magacaabay.

Gudoomiye kuxigeenada cusub ee maanta xilka la wareegay ayaa dhankooda balan qaaday in ay halkeeda kasii wadi doonaan shaqada maamulka gobolka, waxa ayna balan qaadeen in shaqada dar dar galin doonaan lana imana doonaan wax qabad muuqda.