JOOJI WAR WARKA OO BILOW RAJADA WACAN.

0
Saturday February 22, 2014 - 15:07:06 in by London Office
  • Visits: 2109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    JOOJI WAR WARKA OO BILOW RAJADA WACAN.

    Sida aynu wada ogsoonahay ama lawada socono isku kalsoonaanshu ama isku kalsoonidu waxay door muhiim ah ka ciyaartaa guud aan nolosha aadamaha isla markaana aan lanoolaan karahayn iyada la,aanteed sidaa awgeed waxaan maanta ka hadlaynaa qodobo ku saa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida aynu wada ogsoonahay ama lawada socono isku kalsoonaanshu ama isku kalsoonidu waxay door muhiim ah ka ciyaartaa guud aan nolosha aadamaha isla markaana aan lanoolaan karahayn iyada la,aanteed sidaa awgeed waxaan maanta ka hadlaynaa qodobo ku saabsan isku kalsoonida iyo inaad noqoto qof isku kalsoon, hadaba waxaan si aan waxbadan uga fahamno qadiyadan bal hada dhugo qodobaan.

qacda horeba waxaan isku dayeynaa inaan ka jawaabno waxaa afka qalaad lagu yidhaaho ( SELF-STEEM).

waxaa kalmadan ama eraygan macneheedu yahay ama noqonayaa waxa adiga shakhsi ahaan ama qof ahaan maankaaga ka dhex guuxaaya ee kugu wareegaaya isla markaana aan dhamaanteen maskaxda ku wada hayno.

iyada oo ay sidaa tahay ayaa waxa dhacda in isku kalsoonaanshaha naftu hoos u dhac iyo

 
 
sare u kac leeyahay ama hadaan si kale u dhigno leeyahay laba heer ama laba sifo oo uu midna wacan yahay isla markaana yahay kan loo baahan yahay ee aan isku dhiira galinayno iyo kan labaad oo ah mid aan lagaaga baahnayn isla markaana ah kan aan iska wacyi galinayno ee aynaan rabin inaan ku sifowno hadii naftaada uu asiibana u gaysanaaya dhib aad u badan.

waxyaabaha sababa ama keena inaad isku kalsoonaato ama aad isku kalsoonaan waydo waxaa kamid ah waxyaabaha inagu hareeraysan ama duruufaha kala gadisan ee inagu xeeran ka go,aan gaadhkeeda.

dhinaca kale bal aan isbarbardhig ku samayno labada sifo ee aan sare ku soo xusnay ama aan ku soo sheegnay wana sidan.

Isku kalsoonaanta sare ama wacan ama ah tan hadii lagaa helo aad ku tanaadayso waxay leedahay sifahan soo socda:-

 

waxaad ku raaxaysanaysaa isla markaana aad aqbalaysaa oo aad aqoonsanaysaa dhibka aad la kulanto iyo waliba sida wacan ama qiimaha leh ee aad u awoodo inaad u xaliso si ay ka muuqato isku kalsooni iyo dhiiranaan edabi ku dheehan tahay, isla markaana aad u soo bandhigto dareenada kugu xeeran.

naftaada oo aad si wacan ula dhaqantaa oo aad runta u sheegtaa waxay kaa caawinaysaa inaad ogaato meelaha ama waxyaabaha aadku liidato dhibna kuguma aha inaad ogaato waxaad ku liidato.

naftaada ixtiraam oo waxaad ka edbisaa dhaqan xumada, karti darada iyo kalsooni xumada, dabeeto toosnow oo noqo mid hiigsi iyo hami leh.

Dhinaca kale hadaan u nimaadno isku kalsoonida hoosaysa ama aadka u xun ee aan loo baahnayn waxaa lagu yaqaanaa arimahan hoos ku yaala:-

 

waxaad baadi ka tahay isla markaana aad ka baxsan tahay bulshada aad meel kula nooshahay oo waxaad ka shaki santahay ama cabsi ayaa kaa haysa, taasi waxay marag u tahay oo ay muujinaysaa inaad ka madhan tahay kalsoonida naftaada oo liidata isla markaana aad cidlo ka botorinayso.

waxaad naftaada ula dhaqantaa si aad u xun halka aad dadka isaga dhigto waxaanad ahayn sidoo kale awood uma lihid inaad wajahdo oo aad xaliso caqabadaha kaa horyimaada fikirkaagana ma rumaysnid oo waad ka baqa qabtaa.

waxaad ku nooshahay xaalad aad u hosaysa isla markaana waxaad nolosha u aragtaa mid aan waxba ka jirin oo meel madhan ah.

 

guntii iyo gunaanad kii waxaan ku leeyahay jooji warwarka oo bilow rajada wacan.

 

DIYAARIYE: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)