Abaarta Ka Jirta Tuulada Qudhac-Safar Ee Gobalka Togdheer Oo Sii Xoogaysanaysa Iyo Xog Waranka Dadka Ee Ay Abaartu Xoolahoodii Ka Dhamaysay.

0
Friday April 28, 2017 - 17:19:39 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 677
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abaarta Ka Jirta Tuulada Qudhac-Safar Ee Gobalka Togdheer Oo Sii Xoogaysanaysa Iyo Xog Waranka Dadka Ee Ay Abaartu Xoolahoodii Ka Dhamaysay.

    Burco(AFKA)Abaarta Ka Jirta Tuulada Qudhac-Safar Ee Gobalka Togdheer Oo Sii Xoogaysanaysa Iyo Xog Waranka Dadka Ee Ay Abaartu Xoolahoodii Ka Dhamaysay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(AFKA)Abaarta Ka Jirta Tuulada Qudhac-Safar Ee Gobalka Togdheer Oo Sii Xoogaysanaysa Iyo Xog Waranka Dadka Ee Ay Abaartu Xoolahoodii Ka Dhamaysay. Abaarta Ka Jirta Tuulada Qudhac-Safar Ee Gobalka Togdheer Oo Sii Xoogaysanaysa Iyo Xog Waranka Dadka Ee Ay Abaartu Xoolahoodii Ka Dhamaysay. Gudoomiye Ku Xigeenka Tuulada Qudhac-Safar Ee Ka Tirsan Degmada Warcibraan Ee Gobalka Togdheer Cali Ibraahim Shiikh Axmed Ayaa Ka Waramay Halka Marayso Xaalada Abaared Ee Deegaankaasi Gudoomiyaha Oo Uwaramaayey Weriyaal Booqday Tuuladaasi Ayaa Waxa Uu Yidhi "Tuuladan Waxay Ka Mid Tahay Tuuloyinkay Ay Aadka Abaartu Usaameeyey May Jirin Dayrtaa Maanta Ah Barkad Qudhaa Oo Biyo Galeen Waxoogaa Culaysa Oo Soo Guurto

Ahina Waa Na Saaran Yahay Oo Ka Soo Guuray Badidoodu Laamiga ,Markaa Dee Abaaraha Dalka Kajira Uunbaanu La Qabnaa Waxa Kale Oo Jirta Xaga Caafimaadka Markaan Ka Hadlo Xanuuno Yar Yari Way Jiraan Laakin Sida Laga Soo Sheegoo Golada Dalka Xanuunada Ka Jira Waa ka ladanahay ,Waxaanu Codsanaynaa In Caawimo Dadka Lala Soo Gaadho Xataa Hadii Hada Roobku Da,o Dee Dadka Xoolihi Way Ka Dhamaaden Oo Baahidu Way Jirtaa Markaa Cidii Na Caawinjirtay Waxaanu Ka Rajaynaynaa Inay Nala Soogaadhan Caawimo,Waxaanu Umahad Naqaynaa Gudida Abaaraha Gobalka Togdheer Oo

Hada Na Soo Gaadhsiiyey Lixdan Qoys Raashinkood Iyagana ”. Qaar Kamidaa Iyaguna Dadka Soo Guurtada Ah Ee Tuulada Qudhac Safar Usoo Hayaamey Ayaa Igana Ka Warbixiyey Xaaladooda Nololeed Waxayna Xukumada Somaliland,Deeq Bixiyaasha Iyo Gudida Gurmada Abaaraha Somaliland Ka Codsadeen Inay Usoo Gurmadaan. "Adhigaygu Wuxuu Ahaa Tiro Iyo Afartan Maanta Waxaa Ka Jooga Sodon ,Geelu Wuxuu Ahaa Sadex Iyo labaatan Imika Waxaa Ka Hadhay Sideed Ilaahay Ayaa Keenay Hada Waxaanu Xoolahayagii Kala Soo Baxno Oo Aanu Hungurayno Maleh , Waxaan Ka Codsanaayaa

Umuda Islaamkaa Inay Cawiyaan Dadka Walaalahooda Ee Tabaalaysan Adhigu Labo Tiro Ayuu Ahaa Maanta Waxaan Ka Hayaa shan Iyo Toban Neef ,Geeluna Wuxuu Ahaa Sodon Isagana Toban Baan Ka Hayaa Waa Ilahay Mahadii , Dadka Deegaankani Way Nacaawiyaan Biyahana Waxaanu Ka Helnaa Gudida Abaaraha Gobalka Togdheer , Dawlada Somaliland Dadkan Iyagay Xilka Saaran Yahee Waa Inay Caawisaa ,Bulshadana Waxaanu Ka Codsanaynaa Inay Nacaawiyaan " Ayey Yidhaahdeen Xuseen Cabdi X Saleebaan Iyo Axmed Cabdi Maxamed Oo Kamida Dadka Soo Guurtada Ah Ee Ku Sugan Tuulada Qudhac Safar Ee Gobalka Togdheer.