Hogaamiyayaasha Shiinaha Iyo Turkiga Oo Gaadhay Heshiis Ay Isku Kaashanayaan

0
Sunday May 14, 2017 - 16:51:01 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyayaasha Shiinaha Iyo Turkiga Oo Gaadhay Heshiis Ay Isku Kaashanayaan

    Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa dhigiisa Turkiga kala hadlay sida ay labada dal isaga kaashan karaan la dagaallanka argagixisada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa dhigiisa Turkiga kala hadlay sida ay labada dal isaga kaashan karaan la dagaallanka argagixisada.

Sanadkii lasoo dhaafay, xukuumadda Ankara ayaa sheegtay in ay u ogolaanayso dadka ka tirsan qowmiyadda Uighur ee af Turkiga ku hadasha kuna nool waqooyi-galbeed Shiinaha, in ay degi karaan dalka Turkiga.Labada hogaamiye ayaa kulan ku yeeshay hareeraha shirka caalamiga ah ee looga arrinsayo ganacsiga ee ka socda caasimadda Beijing.

Qowmiyadaasi oo Muslim ah ayaa dhibaato badan kala kulanta dowladda Shiinaha.

Xukuumadda Beijing ayaa sheegaysa in dadkaasi Uighur ah ay Turkiga uga gudbaan Suuriya iyo Ciraaq, si ay ugu dagaallamaan mintidiinka dalalkaasi


ku sugan, kuwa Shiinaha ku harayna ay dhibaato ka geystaan gobolka Xinjiang.

 

Boqolaal Muslimiintaasi ayaa sanadihii dambe ku dhintay iska horimaadyo Xinjiang ku dhexmaray qowmiyadda Uighur iyo dowladda Shuuciga ah ee Shiinaha.

Qaar badan oo ka mid ah Uighur ayaa ku eedeeya rabshadaha ka dhaca gobolkaasi in ay ka dambeyso dowladda Shiinaha oo ku dhaqanta siyaasaddo ka dhan ah diimaha.

 

 

Source:-BBCsomali