Wasiirka cadaallada Brazil oo la bedelay

0
Monday May 29, 2017 - 10:40:38 in by Burco Office
  • Visits: 544
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka cadaallada Brazil oo la bedelay

    Wasiirka cadaallada Brazil oo la bedelay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka cadaallada Brazil oo la bedelay

Madaxweynaha Brazil, Michel Temer, ayaa bedelay wasiirkiisa cadaallada, xilli uu wajahayo fadeexad musuqmaasuq iyo dibed baxyo ka dhan ah dowladdiisa.

Osmar Serraglio ayaa waxaa loo bedelay wasaaradda isla xisaabtanka, halka wasiirkii xilkaasi hayay, Torquato Jardim, loo wareejiyay wasaaradda cadaaladda.

Lama sheegin sababta loo kala bedelay wasiiraddaasi.

Madaxweyne Temer ayaa waxaa baaritaan ku haya maxkamadda ugu saraysa Brazil, taasoo ku eedaysay in uu qaatay laaluush dhan malaayiin dollar.

Madaxweynaha ayaa wacad ku maray in uu caddeyn doono in aanu wax dembi ah gelin, balse axsaab xulafo la ahaa ayaa ka baxay dowladdiisa wadaaga ah, waxaana dalka oo dhan ka dhacay dibed baxyo ka dhan ah.

Dibed bax ballaaran ayaa la filayaa in uu maanta ka dhaco xeebta Copacabana ee magaalada Rio de Janeiro.

Madaxweyne Temer ayaa xilka la wareegay sanad ka hor, ka dib markii xilka laga qaaday Dilma Rousseff.