Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Sababaha Keenay In Diyaarada Turkish Airlines Mudo Sadex Cisho Ah Ka Degin Garoonka Muqdisho

0
Monday May 29, 2017 - 16:48:05 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 602
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Sababaha Keenay In Diyaarada Turkish Airlines Mudo Sadex Cisho Ah Ka Degin Garoonka Muqdisho

    Muqdisho(AFKA):Dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay sababaha keenay in diyaarada Turkish Airline ay sadexdii maalmood ee ugu dambeeyey ka baaqatay duulimaadyadii ay ku iman jirtay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA):Dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay sababaha keenay in diyaarada Turkish Airline ay sadexdii maalmood ee ugu dambeeyey ka baaqatay duulimaadyadii ay ku iman jirtay magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo faah faahinaya sababaha keenay in diyaaradaasi iman waydo garoonka Aadan Cade ayaa waxa uu yidhi "Diyaarada Turkish Airlines waxay sadexdii maalmood ee la soo dhaafay u dagi wayday garoonka AadanCade sababo la xidhiidha dabaysha oo dhaaftay xadkii loogu tala galay inay diyaaradu ku degto, markaWasiirka gaadiidka Cirka iyo dhulka ee dawlada federaalka ah Maxamed Cabdilaahi Salaad ayaa warbaahinta u sheegay in diyaarada Turkish Airlines ay ka dagi kari wayday garoonka Muqdisho


ay diyaaradu dagaysana dabayl ayaa xaga dambe kaga timaada hadii ay dhaafta xadka ay diyaaradu ku dagi kartana lama ogola in diyaaradu dagto.”

 

Wasiir Salaad oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey " Waa sharci yaala shirkadaha diyaaradaha Turkish Airlines oo lagaga dhaqmo meel kasta oo ay diyaaradu tagto, balse maaha mid khuseeya garoonka Muqdisho ee Aadan Cade, waana wax mar kasta dhici kara in dabayluhu ay diyaaradaha u diidaann inay degaan mana aha wax muqdisho ku kooban ee caalamka oo dhan ayey ka dhacdaa.”

Sidoo kale wasiir Salaad ayaa sheegay in wasaaradiisa iyo hay’ada saadaasha hawadu ay ka wada shaqeeyeen sidii loo sahamin lahaa hawada isla markaana diyaaraduhu ay caadi ugu dagi lahaayeen garoonka Muqdisho.

Dhinaca kale rakaabkii mudada sadexda cisho ah sugayey diyaarada Turkish Airlines oo ku dayacnaa garoonka Muqdisho ee Aadan Cade ayaa haatan loo kireeyey Hudheelo ay diyaaradi balan qaaday inay bixinayso khrashka kaga baxaya rakaabka.