Golaha Ammaanka oo cunoqabatayn cusub ku soo rogay Kuuriyada Woqooyi

0
Saturday June 03, 2017 - 10:59:47 in by Burco Office
  • Visits: 468
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Ammaanka oo cunoqabatayn cusub ku soo rogay Kuuriyada Woqooyi

    Golaha Ammaanka oo cunoqabatayn cusub ku soo rogay Kuuriyada Woqooyi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Ammaanka oo cunoqabatayn cusub ku soo rogay Kuuriyada Woqooyi

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunoqabatayn ku soo rogay afar shirkadood oo Kuuriyada Woqooyi laga leeyahay iyo afar iyo toban sarkaal.

Talaabadaasi waxay sii kordhinaysaa culayska Pyongyang ay ku galabsatay tijaabooyinkeeda is xigxiga ee gantaalaha.

Goluhu wuxuu aqlabiyad buuxda ugu codeeyey in la taageero talaabooyinka ay wada jirka u qaadeen Maraykanka iyo Shiinuhu oo ay ka mid yihiin xayiraad xagga socdaalka ah iyo hanti xannibaadi.

Khamiistii ayaa Maraykanku liiska madow ku daray sagaal shirkadood iyo hay'ado dawladeed iyo sidoo kale saddex qof oo taageera barnaamijka hubka ee Kuuriyada Woqooyi.