Wasiirka Duulista Somalia Oo La Ogaaday Inuu Ka Been Sheegay Kulan Dhawaan Dhexmaray Madaxda ICAO

0
Friday June 09, 2017 - 14:41:52 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 560
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Duulista Somalia Oo La Ogaaday Inuu Ka Been Sheegay Kulan Dhawaan Dhexmaray Madaxda ICAO

    Muqdisho(AFKA);Wasiirka Gaadiidka Cirka Iyo Dhulka Dawlada Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad, ayaa safar dhawaan ku tegay Xafiiska, ICAO Fiss Nairobi waxana uu halkaasi shir kula yeeshay gabadha la yidhaado Ms Valentina isaga oo Wasiirku u sheegay in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA);Wasiirka Gaadiidka Cirka Iyo Dhulka Dawlada Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad, ayaa safar dhawaan ku tegay Xafiiska, ICAO Fiss Nairobi waxana uu halkaasi shir kula yeeshay gabadha la yidhaado Ms Valentina isaga oo Wasiirku u sheegay in uu doonayo in hawada Soomaliya lagu soo wareejiyo,

balse gabadhan ayaa waxa ay ku wargalisay in uu tago Xarunta ICAO ee Montreal, Canada.

 

unnamed

Wasiir Maxamed C/laahi Salaad waxa uu tagay Xarunta guud ee ICAO, (ICAO Headquarters, Montreal, Canada), waxaana uu halkaasi kula kulmay xoghaynta Guud ee ICAO Dr, Fang liu iyo Madaxa Farsamada ee ICAO Montreal Mr. Ivan Galan, waxana uu u soo jeediyey qorshihiisii ahaa in Hawada Soomaliya lagu soo wareejiyo, bal waxa ay ku war galiyeen in qorshaha ICAO yahay in ilaa 2018 la qalabeeyo Madaarada Soomaliya iyo Somaliland, sida Muqdisho, Hargaysa, Boosaaso iyo Kismaanyo, wixii intaa ka danbeeyana ay ICAO awood u leedahay in ay sii maamusho Hawada Somaliya, ilaa inta laga heshiinaayo.

Dhanka kale waxa Shir Hawada Soamliya laga hadlaayo lagu marti qaaday Wasiirka Duulista Somaliland oo ka dhacaaya Nairobi Kenya, balse Wasiirka Duulista Somaliland oo hada Safar Jabuuti ah ka soo laabtay ayaa u igmaday Wasiir Kuxigeenkiisa Guuleed Maxamed Shire oo hada isagu ku maqan.

Waxaa wakhtigan iska cad odhaadii Wasiirka duulista Somaliland ee ahayad, "Warqad qoraal ah ayaan ka helay Xarunta ICAO ee Montreal oo waxa ay nagu war galiyeen in aanay dhacay in ay dhinac ku wareejiyaan hawada, oo kama shaki qabo.”