Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya Oo Ka Hadlay Ujeedka Laga Leeyahay Saldhiga Millatari Ee Turkigu Ka Furtay Muqdisho.

0
Monday June 26, 2017 - 16:37:18 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya Oo Ka Hadlay Ujeedka Laga Leeyahay Saldhiga Millatari Ee Turkigu Ka Furtay Muqdisho.

    Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya Oo Ka Hadlay Ujeedka Laga Leeyahay Saldhiga Millatari Ee Turkigu Ka Furtay Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya Oo Ka Hadlay Ujeedka Laga Leeyahay Saldhiga Millatari Ee Turkigu Ka Furtay Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Amaanay xarunta Tabarka Military ee Turkigu uu ka Furanayo Dalka Somaaliya,waxaana dhawaan xadhiga laga jari doonaa sida uu wasiirku sheegay.

Wasiirka ayaa sheegay in saldhigani yahay saldhiga ugu way nee waddan shisheeye somaliya ka furto taas oo looga gon leeyahay in lagu xoojiyo tababarada ciidanka somaliya si loo qalabeeyo.

Wasiir Yuusuf garaad oo waraysi Siiyay Wakaalada Wararka Ee Turkiga Anadolu ayaa wasiir ku sheegay in dhawaan la furi doono saldhigaasi millatari.

"Xarunta Tababarka Military ee ay Aas-aaseen Dalka Turkigu, waxaa ay noqon-doontaa xarun Tababar tii ugu Horeeysay ee ugu Habooneeyd Ciidamadda Soomaaliya, Taasi waa sababta ay aad inaga Muhiim inoo tahay” sidaas aya uu yidhi Wasiirka

Arrimah Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad oo la hadlay wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu.

 

Intaas waxa uu raaciyay isaga oo hadalkiisa siiwata.”waxaan Rajaynayaa in Saldhigani uu Xoojin doono Howl-karnimadda Ciidamada Somaliya”

Wasiirka Arrimaha Dibadda SoomaaliyaYuusuf Garaad ayaa waxaa uu sheegay in uu isagu Booqday Saldhigga Casriga ah ee ku yaala duleedka Magaaladda Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibbadda Soomaaliaya ayaa sheegay in Bilaha Soosocda la furi doono Saldhigga Balse ma uusan sheegin Waqti Cayiman oo Furitaanka Saldhigaan loo Qorsheeyay.