"Maanta Waxaynu Nahay Koosarad Timir Ah Oo Toban Af Lagaga Hadlo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

0
Thursday June 29, 2017 - 12:55:02 in by Super Admin
  • Visits: 808
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Maanta Waxaynu Nahay Koosarad Timir Ah Oo Toban Af Lagaga Hadlo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

    "Maanta Waxaynu Nahay Koosarad Timir Ah Oo Toban Af Lagaga Hadlo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa shaaciyey qodobada la doonayo in wax laga beddelo ee dastuurka dalk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maanta Waxaynu Nahay Koosarad Timir Ah Oo Toban Af Lagaga Hadlo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa shaaciyey qodobada la doonayo in wax laga beddelo ee dastuurka dalka iyo kuwa lama taabtaanka ah.

Eng. Faysal Cali-waraabe oo daba socday tuhunno ka dhashay heshiiskii ay dhawaan kala saxeexdeen Somaliland iyo maamulka Khaatumo oo qodob ku jiray dhigayo in la furo dastuurka Somaliland, ayaa sheegay in dastuurku ka kooban yahay laba qaybood oo mid ka mid ahi tahay laba taabtaan sida madaxbannaanida qaranimada dalka, halka uu tilmaamo ka bixiyey qodobad u baahan in wax-ka-beddel lagu sameeyo.

"Heshiiska aannu la galnay Khaatumo qodobada ugu muhiimsan waxa kow ah in dastuurka la furo, dastuurkeennu waa laba qaybood, qaybi waa lama taabtaan oo waxa ka mid ah in waddanku yahay mid Islaam ah, xuduudaha Somaliland inay yihiin sidii Ingiriisku kaga tagay, in gooni-isu-taagga Somaliland yahay muqadis, laakiin wixii ka soo hooseeya ee qodob ah ee aynu aragnay inay xannibmeen oo ay ka mid tahay sida loo qaybsanayo awoodda waa la furayaa oo waa danteenna,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe oo hadal ka jeediyey xaflad xisbigiisa UCID taageerayaal cusub ugu qabtay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal shalay, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, "Qodobka labaad waxa weeye in la daadajiyo maamulka oo waxaannu doonaynaa in degmo kastaaba arrimaheeda ka tashato. Qodobka saddexaad waxa weeye awood qaybsiga, maanta awooddii waad ogtihiin oo KULMIYE ayaa wada qaatay oo intii u codaysay KULMIYE ayaa wada qaadatay.”

Guddoomiye Faysal waxa uu dhaliilo u jeediyey Guddoomiyaha xisbiga kale ee mucaaradka ah ee WADDANI oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Cirro oo uu sheegay in la qiimeeyo taariikhda waxqabad, waxaannu yidhi, "Waad aragtaan Cabdiraxmaan Cirro waa Guddoomiyaha Baarlamanka (Golaha Wakiillada Somaliland), adduunka kama dhacdo guddoomiye baarlamaan oo haddana ah xisbi mucaarad ah, aniga ayaa is sharraxi lahaa berigii 2005-tii oo intaan lambarka koowaad iska dhigo liis bay ahayde ayaan guddoomiye noqon lahaa, Siilaanyo ayaa is sharraxi lahaa. Guddoomiyaha Baarlamanku waa inuu noqdo qof dhexdhexaad ah, maantana waad aragtaan labada xisbi ee aynu maanta la tartamaynaa labaduba xukuumadda ayey ku jiraan, midna waa Baarlamankii, innaga Baarlamankeenna Cabdiraxmaan wuu xukumi jiree bal dib u eega taariikhdiisa muxuu qabtay, muxuu sharciyeeyey, muxuu hagaajiyey?

Kulmiyena waad wadagaraysaan, yaa KULMIYE xiiso u qaba? Ma jirto cid xiiso u qabtaa ee waxa xiiso u qaba uun qof doonaya inuu isagu kelidii noolaado.”

Waxa kaloo Eng. Faysal Cali-waraabe sheegay heshiiska lala galayo kooxda Khaatumo inuu salka ku hayo sidii dib loogu abuuri lahaa dalka Somaliland, "Somaliland noqonmayso koosarad Timir ah oo bannaan, maanta koosarad Timir ah ayeynu nahay oo cid lehba garanmayno, toban af baa lagaga hadlayaa, waxaannu ka dhigaynaa dal xuduudo leh oo leh hay’ado socdaal iyo kastamo. Heshiiska Khaatumo halkan Boorama ayeynu ku lafaguraynaa oo Somaliland dib baynu u abuuraynaa, 1993-kii markii ay qalloocatay Boorama ayaa lagu hagaajiyey maanta Boorama ayeynu ugu abuuraynaa Somaliland cusub oo dadku simanyihiin oo caddaalad ku samaysan oo qabyaaladda suulisay oo Tawxiidka diinta Islaamka ku socota ayeynu samayn doonaa Insha Allaahu,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Faysal Cali-waraabe.