Madal Laysku Arkay Oo Gudoomiye Ciro Qaddo Sharaf Maqaamkeedu Sareeyo Ugu Sameeyay Suldaan Madar Maxamed Ducaale

0
Sunday February 23, 2014 - 15:14:52 in by London Office
  • Visits: 1156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madal Laysku Arkay Oo Gudoomiye Ciro Qaddo Sharaf Maqaamkeedu Sareeyo Ugu Sameeyay Suldaan Madar Maxamed Ducaale

    Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow Isimka ismida Somalidda oo isaguna munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu si niyad sami ah utaageersan yahay kana Mid yahay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciro
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow Isimka ismida Somalidda oo isaguna munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu si niyad sami ah utaageersan yahay kana Mid yahay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Gudomiyaha Golaha Wakiiladda Ahna Gudomiyaha Xisbiga Waddani Mudane
Abdirahmaan Mohamed Abdulaahi Ciro ayaa madal ilyartu is qabatay
islamarkaasina ay kasoo qayb galeen Siyaasiyiin, Xildhibaano, Boqoro,
Salaadiin, Cuqaal, Qaddo sharaf maqaamkeedu sareeyo ku maamuusay Suldaan
Madar Maxamed Ducaale oo dalka soo gaadhay kana soo kicitimay dalalka Yurub.

Madasha qado sharaftaasi oo si milgo iyo maamuus huwan looso agaasimay ayaa
waxa hadalo mahadnaq, amaan, bogaadin iyo ducoba ah Gudomiye Ciro guud
sudhay Madax dhaqameedkiiyo iyo Haldoorkii kasoo qayb galay.
Suldaan Mohamed Xirsi Qani oo ugu horaynba halkaasi ka hadlay ayaa
dhankiisa ku mahadiyay masuuliyiinta xisbigaasi waddani inay kusoo casumaan
madal sidan maqaamkeedu u sareeyo waxanu intaasi ku ladhay inuu dhankiisa
Suldaan Madar uu soo dhowaynayo

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow Isimka ismida Somalidda oo isaguna
munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu si niyad sami ah utaageersan
yahay kana Mid yahay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Boqor Buurmadow Waxa
uu shacbiga hoga tusaaleeyay in cida keliya mustaqbal waangsan unoqon karta
Somaliland ay tahay Xisbiga Waddani iyo inay dhankooda codka ugu hiiliyaan
isbedelka, horumarka iyo leydha qabow ee uu hormoodka ka yahay Gudomiye
Ciro

Waxanu Yidhi

''Waxan isleeyahay cida qudha ee somaliland dhiqi karaysaa waa gudomiyaha
qunyar socodka ah Mudane Ciro Salaadiin badan baa madashan joogta Anigu
ninka qudha ee aan mushahar kaga go'aynin baan ee ahay ee leh Wadani Baan
ahay Waanan taageerayaa Waxanan ku taageeray gudomiyaha furfuran ee
farxaaniga ah ee siyaasada qabow ciyaaraya mudane Ciro''

Gudomiyaha Talo Iyo Tawfiiq, Xildhibano ka tirsan Aqalka Wakiiladda Boqoro
iyo Ismo kale oo magac wayn kuleh mandaqaddan Somaliland Oo iyaguna
halkaasi ka hadlay ayaa dhankooda si isku mid ah usoo dhoweeyay Suldaan
Madar Maxamed iyagoona umahad Celiyay Gudomiyaha Xisbiga Waddani ee
munaasibadan soo agaasimay sidoo kale waxay ay sheegen inay isbarbartaagi
doonan xisbi siyaasadeedka waddani kana qayb qaadan doonaan hawlaha
xisbigaasi,

Suldaanka Madashan Loo Gingimay ee qada sharafta lagu maamuusayay Suldaan
Madar Maxamed Ducaale oo isaguna hadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa ka
mahdadoobay sida maamuuska huwan ee xisbiga Waddani iyo hogaankiisu dalka
ugu soo dhoweeyay, Suldaan Madar waxa uu shacbiga Somaliland ka wacyi
geliyay inay ka dheeradaan qabyaaladda islamarkaasina ay meel uga soo wada
midaysnaanta danta qarankooda.

Gaba gabadii Munaasibaddasi qada Sharafta ah waxa soo gunaanaday Gudomiyaha
Xisbiga mucaaridka ah Ee Waddani Mudane Cabdirahmaan Mohamed Abdulaahi Ciro
oo umahadceliyay odayaasha iyo madax dhaqameedka madashan kasoo qayb galay
Gudomiye Ciro waxa uu sheegay in ujeedada soo dhowayntiisu ku qotonto inuu
Suldaan Reer Somaliland Ah

'' Odaysha iyo madaxda kasoo qayb gashay waan ugu mahadnaqayaa inay soo
ajiibeen qada sharaftan aan ugu tala galay Suldaan Madar ujeedaduna maaha
inuu xisbigu taageero suldaanku waa suldaan reer soomaliland ah asxaabtana
wuu udhexeeya dhowr jeer oo aan norway tegeyna wuu isoo dhoweeyay markale
odayaasha halkan isugu yimi way mahadsan yihiin''

Qado sharaftan Uu Gudomiye Ciro ku maamuusay Suldaan Madar Maxamed Ducaale
ee ay kasoo qayb galeen badiba Haldoorka Odayaasha Dhaqan Iyo Dhaayaha
Somaliland ayaa kusoo idlaatay jawi rayn rayn dhoola ka qosol kaftan
odaynimo iyo isu laab xaadhnaanta Ay siyaasiyiintani u hayeen Gudomiye Ciro.

Afkashacabka.com
Hargeysa/Office
Contact@Afashacabka.com