Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta Oo Isniin Ah

0
Monday July 24, 2017 - 12:12:05 in by Burco Office
  • Visits: 773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta Oo Isniin Ah

    Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta Oo Isniin Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta Oo Isniin Ah

Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta Oo Isniin Ah

Maalin wanaagsan akhristayaasha sarafta lehow meel kasta oo aad aduunka ka joogtaan, kuna soo dhawaada barnaaamijkeenii maalin laha ah ee aanu sida joogtada ah idiinku soo gudbino waxyaabaha ay wargaysyadu ka qoraan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmay July 1, waxayna kooxuhu si wayn ugu hawlan yihiin in ay la soo saxiixdaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay horumarin ku samayn karaan safafka kooxahooda ka hor inta aanu bolaamin xili ciyaareedka cusubi waxaana haddaba jira xidigo badan oo kooxaha Premier Leaque-gu dagaal ugu jiraan in ay la soo waregaan.


daily star

Manchester United ayaa dooneysa inay Chelsea ku garaacdo saxiix kale oo xagaagan diirada u saarnaa ka dib markii ay ogolaadeen inay heshiis 35 milyan ginni kula soo wareegaan xiddiga Monaco Tiemoue Bakayoko.

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa doonaya inuu James Rodriguez ka iibiyo Chelsea halkii uu ka iibin lahaa Manchester United.


Diego Costa ayaa qorsheynaya inuu cadaadis ku saaro Chelsea inay ka iibiyaan Atletico Madrid, sida ay sheegayaan warar ka imaanaya Spain.

Juventus ayaa kalsooni ku qabta inay ceshan doonto Alex Sandro xagaagan, inkastoo Chelsea ay lacag badan ku dooneyso.

Chelsea ayaa isha ku heysa inay la soo wareegto daafaca Real Madrid Danilo, iyadoo tababare Antonio Conte uu u muuqda mid xaqiijinaya saxiixa daafaca midig.

the independent

Manchester United ayaa wadahadalo kula jirta Real Madrid oo ku saabsan saxiixa James Rodriguez heshiis ku dhawaan doona 62 milyan ginni.

daily mail

Xiddiga khadka dhexe ee Manchester City Olivier Ntcham ayaa ku dhow inuu heshiis 4.5 milyan ginni ugu biiro Celtic heshiis afar sannadood ah isagoo noqonaya saxiixoodii seddexaad ee xagaaga.


Tottenham ayaa sheegtay inaysan wadahdal ugu jirin in kooxdooda la iibsaday xilli ay soo baxday in milkiilaha Facebook Mark Zuckerberg uu doonayo inuu hal bilyan ginni ku iibsado.

Paulinho ayaa rajeynaya inuu u saxiixo Barcelona isbuuca soo socda halka saaxiibkiisa xulka Brazil Neymar uu sheegay inuu gacmo furan ku soo dhaweyn doono.

daily mirror

Arsene Wenger ayaa dalabkii seddexaad ka gudbin doona Thomas Lemar, waxaana ka dhaadhacsan inuu xiddiga Monaco doonayo inuu ku biiro Arsenal iyadoo kooxda ay diyaar u tahay inay ka bixiso xiddiga garabka ka ciyaara in ka badan 45 milyan ginni.

Tababaraha Tottenham Mauricio Pochettino ayaa xiiseynaya inuu 10 milyan ginni kula soo wareego daafaca Estudiantes Juan Foyth.

Newcastle United ayaa kula tartameysa Stoke City saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Manchester City Fabian Delph.

Tababaraha Bayern Munich Carlo Ancelotti ayaa uga digay dhigiisa Chelsea Antonio Conte inuu ku qasban yahay inuu xoojiyo Blues xagaagan.

Kooxda Turkiga ee Besiktas ayaa dooneysa weeraryahanka Chelsea Diego Costa.

the sun

Goolhayaha Arsenal Wojciech Szczesny ayaa ku dhow inuu ku biiro Juventus ka dib markii laga saaray kooxda Arsenal ee u safartay Australia.

Weerarayahanka Atletico Madrid Antoine Griezmann ayaa waxa ay kala tageen wakiilkiisa Eric Olhats.

Jesus Navas ayaa u soo muuqday mid diirada u saaran kooxda Newcastle ka dib markii ay iska fasaxday Manchester City.

Tababaraha Crystal Palace Frank de Boer ayaa isha ku haya daafaca Barcelona Thomas Vermaelen.

daily express

James Rodriguez ayaa doonaya in mustaqbalkiisa Real Madrid la xaliyo Isniinta iyadoo kooxda ku guuleysatay Champions League ay u diyaargaroobeysa inay u ambabaxdo Mareykanka.