Dadka indhaha la' ee dunida 'oo saddex jibaarmi doona 2050'

0
Thursday August 03, 2017 - 12:39:54 in by Burco Office
  • Visits: 693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka indhaha la' ee dunida 'oo saddex jibaarmi doona 2050'

    Dadka indhaha la' ee dunida 'oo saddex jibaarmi doona 2050'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka indhaha la' ee dunida 'oo saddex jibaarmi doona 2050'

Tirada dadka indhaha la' ee dunida ayaa saddex jibaarmi doonta afartanka sano ee soo socota, sida ay tilmaamayso cilmi baaris la sameeyay.

Warbixin lagu daabacay majaladda Lancet ayaa saadaalisay in kiisaska indha la'aaanta oo 36 milyan ah ay gaari doonaan 115 milyan meesha lagu gaaro sannadka 2050, waase haddii aan la hagaajinin hannaanka dawaynta kharashaadka arrintaas ku baxana aan sare loo qaadin.

Tirada dadka da'da ah oo badanaysa ayaana qayb ka ah kororka arrintan.

Goobaha ay ka dhacdo indhoolenimada ugu badan iyo xanuunnada araga wax u dhima waa Koonfurta Aasiya iyo dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika.

Sida cilmi baaristan lagu sheegayse waxaa hadda hoos u dhacay dadka ay waxyeeladu ka soo gaarto dhanka aragga.

Cilmibaaristu waxay ku talisay in maalgalin lagu sameeyo dawaynta xanuunnada indhaha ku dhaca

Laakiin maadaama oo dad dunidu ay sii badanayaan qaar badan oo ka mid ahna ay nolol wanaagsan haystaan, cilmibaareyaashu waxay saadaalinayaan in ay sare u kici doonto dadka ay la soo darsaan dhibaatooyinka aragga la xiriira arrintaasina ay dhici doonto tobannaanka sano ee soo socda.

Cilmi baaris laga sameeyay 188 dal ayaa tilmaamaysa in 200 oo milyan oo ruux ay qabaan xannuuno araga ah oo isugu jira kuwo sahlan iyo kuwo halis ah.

Tiradaas ayaa la filayaa in ay sare u kacdo oo gaarto 550 milyan meesha lagu gaaro 2050ka.