Raysal Wasaaraha Ciraaq Oo Ku Dhawaaqay Dullaan Ka Dhan Ah Kooxda Daacish

0
Sunday August 20, 2017 - 08:58:54 in by Burco Office
  • Visits: 485
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Ciraaq Oo Ku Dhawaaqay Dullaan Ka Dhan Ah Kooxda Daacish

    Raysal Wasaaraha Ciraaq Oo Ku Dhawaaqay Dullaan Ka Dhan Ah Kooxda Daacish

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Ciraaq Oo Ku Dhawaaqay Dullaan Ka Dhan Ah Kooxda Daacish

Raysal Wasaaraha dalka Ciraaq ayaa ku dhawaaqay dullaan ka dhan ah kooxda isugu yeerta khilaafada islaamka ee ISIS.


Haider al-Abadi ayaa sheegay inay doonayaan in ay la wareegaan gacan ku heynta magaalada Tal Afar oo ah magaaladii ugu dambeesay ee ay ku xooganyihiin kooxda ISIS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay telefishenka qaranka, waxaana uu intaa ku daray in kooxda Daacish ay u furantahay laba wado oo kala ah, inay isa soo dhiibaan ama in la dilo.

Magaalada Tal Afar ayaa sidoo kale waxaa ku harereesan ciidamada dowladda Ciraaq, dagaalyahanada shiicada iyo kuwa Peshmerga-ka. Waxaana sidoo kale magaalada dul hehaabaya diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo kuwa ciidamada Ciraaq, kuwaa oo duqeynaya magaalada kahor dullaanka uu ku dhawaaqay ra`iisul wasaaraha dalkaasi.

Magaalada Tal Afar ayaa sideetan kilomitir u jirta magaalada Mousil oo dhawaan laga qabsaday kooxda ISIS.