Baarlamaanka Soomaaliya oo guddi u saaray arrinta Qalbi Dhagax

0
Thursday September 14, 2017 - 09:19:15 in by Burco Office
  • Visits: 602
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Soomaaliya oo guddi u saaray arrinta Qalbi Dhagax

    Baarlamaanka Soomaaliya oo guddi u saaray arrinta Qalbi Dhagax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka Soomaaliya oo guddi u saaray arrinta Qalbi Dhagax

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddi u saaray tallaabadii dowladda Soomaaliya ay Itoobiya ugu gacan gelisay sarkaal sare oo ka tirsan jabhadda hubeysan ee ONLF, Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Kulan uu maanta yeeshay golaha shacabka ayaa xildhibaanadu waxay ku kala aragti duwanaayeen go'aanka dowladda Soomaaliya ay sarkaalkaasi ugu dhiibtay Itoobiya.

Sida uu sheegay guddoonka baarlamaanka waxaa is-qoray oo doonayay in ay arrintaasi ka hdalaan 65 xildhibaan, kuwaasi oo dhammaantood la siiyay fursad ay arrintaa uga ahdlaan, mowqifkooduna ay ku caddeeyaan.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa go'aanka dowladda ku tilmaamay sharci darro maadaama bay yirahdeen aysan macquul ahayn in muwaadin Soomaaliyeed loo dhiibo dal kale, halka kuwo kale ay difaaceen go'aankaasi dowladda.

Guddiga loo saaray arrintan ayaa la filayaa in golaha shacabku ay u soo gudbiyaan natiijada baaritaankooda.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in sharci ay ahayd in sarkaalkaasi la dhiibo maadaama bay tiri uu lid ku ahaa ammaanka dalka oo uu xiriir la lahaa Al-Shabaab.

Sabtigii la soo dhaafay ayaa waxaa la baajiyay kulan uu baarlamaanka ka yeelan lahaa arrintan kaddib tiradii loo baahnaa ee xildhibaanada aysan soo xaadirin.

Dhanka kale, saaka waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dibadbax lagu taageerayo Xukuumadda Soomaaliya ka hor inta uusan furmin kalfadhiga baarlaamanka.