Suldaanka Guud Oo Wasiir Cali Mareexaan Ku Eedeeeyey Inuu Iibiyey Xabaal Uu Awawgood Ku Aasan yahay, Madaxwaynahana Farriin Adag U Diray.

0
Friday October 06, 2017 - 12:56:01 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 926
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaanka Guud Oo Wasiir Cali Mareexaan Ku Eedeeeyey Inuu Iibiyey Xabaal Uu Awawgood Ku Aasan yahay, Madaxwaynahana Farriin Adag U Diray.

    "Madaxwayne Cali Mareexaan Wuxuu Wadaa Waa Wax Nabadda Ka Fog Oo Dhibaateeduna Ay Dambayn Doonto" Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxwayne Cali Mareexaan Wuxuu Wadaa Waa Wax Nabadda Ka Fog Oo Dhibaateeduna Ay Dambayn Doonto" Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa wasiirka hawlaha guud ku eedeeyey inuu iibiyay xabaal uu awawgii lahaa oo ku taalla magaalada Berbera.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa sheegay in wasiir Cali Mareexaan uu faro-galin iyo xaraash ku hayo xabaashaas oo awawgood ku aasan yahay, waxaana uu soo bandhigay waraaqo iyo cadaymo muujinaya cabirka iyo lahaanshaha xabaashaas, waxaana uu Madaxwaynaha Somaliland ka codsaday inuu arrinkaas wax ka qabto, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu sudlaanku hadalkiisa ku bilaabay:

"Xabaashii awawgayo inuu faro-galiyo kamaanu eegayn, madaxwaynahana waxaan leeyahay tuu Cali Mareexaan wadaa waa mid ka fog nabadda, waa mid keeni karta dhibaatooyin farabadan, xabaashani cabirkii ay lahayd waa taa warqaddii cadaynaysay,tanna (warqad kale) waa go’aankii guddiga reer Berbera, waxa sidaa u dhigan inuu yidhaahdo wasiirka hawlaha guud baan ahay oo sidaan doonaan yeelayaa umadda Somaliland uma fadhido nabadgelyo iyo amni midna ku tudhi mayso arrinka dhulku, haddii nabadgalyada laga tago oo amniga laga tago dee hadhaw odhan maysid waa wasiirkaygii ee wuxuu noqonayaa nin xoog wax ku doonaya, markaa waxaan leeyahay wasiirka hawlaha guud waxyaabaha aad waddanka ka samaynayso inaad faraha kala baxdo, haddii kale madaxwaynihii ku doortay inuu ku waydiiyo waxaad waxan u samaynayso inuu ku waydiiyo ayaa waajib ah. Madaxwaynaha waxaan leeyahay arrintaas uu wado waxaanu u aragnaa arrin foolxun oo dhibaatadeedu ay dambaynayso, haddii aan laga horjoogsan madaxwayne adiga iyo dadkaaga ayuu madaxa isu galinayaa doorashadana dadkaad dhisaysaa kuma guulaysanayaan, Madaxwayne ninkaas baadilka ku socda ee adiga iyo qarankii isku kiin qarribay dee wax ka qabo”.
Ma aha markii ugu horraysay ee Suldaanka guud uu cabasho ka muujiyo wasiirkan mudadii uu xilka hayay, waxaase uu dhawr jeer oo hore u eedeeyey inuu dhul boob ku wado muwaadiniin reer Hargeysa ah, sidoo kale waxaa xusid mudan inuu Wasiir Cali Mareexaan labadii bilood ee ugu dambaysay faraha kula jiray fadeexad la xidhiidha iibka iyo xaraashka dhulka danta guud ah walaw aad moodo inuu arrimahaas ka badheedhay hadana illaa hadda ma jirto wax war ah oo uu ka soo saaray dhulalka iibkooda lagu eedaynayo.