Reer Catalonia oo ay soo wajahday xaalad hubaal la'aan ah

0
Sunday October 22, 2017 - 09:30:02 in by Burco Office
  • Visits: 523
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Reer Catalonia oo ay soo wajahday xaalad hubaal la'aan ah

    Reer Catalonia oo ay soo wajahday xaalad hubaal la'aan ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Reer Catalonia oo ay soo wajahday xaalad hubaal la'aan ah

Maamulka Catalan ee dalka Spain ayaa wajahaya xaalad hubaal la'aan ah ka dib markii ra'iisul wasaaraha Spain Mariano Rajoy uu ku dhawaaqay qorshe uu doonayo inuu meesha kaga saaro dowlad goboleedka Catalan, isla markaana kala diro barlamaanka maamulkaasi.

Aqalka sare ee dalka Spain ayaa lagu wadaa inay meel mariyaan tallaabooyinka uu damacsanyahay ra'iisul wasaaraha Spain maalinta jimcaha, waxaana jirta soo jeedin ah in la qabto doorasho cusub, balse wariyaha BBC-da ee jooga Barcelona ayaa soo sheegayaa in waxa hadda laga dhowrsugaya ay tahay sida ay u hirgasho faragelinta xukuumadda Madrid.

Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionHogaamiyaha Catalan ee dalka Spain Carles Puigdemont

Hogaamiyaha Catalan ee dalka Spain Carles Puigdemont ayaa si qiiro kujirto u codsaday in xuquuqda reer Catalonia la difaaco, isagoo na tallaabooyinka ay qadeyso dowladda Spain ku sifeeyay mid inqilaab ah.

Khudbad uu ka jeediyaya telefishanada dalkaasi ayaa Mr Carles waxaa kale oo uu sheegay in go'aanka mustaqbalka reer Catalonia ee ku saleysan nabadda iyo dimoqraadiyada uusan aheyn mid dambi ah.

Waxaana tallaabooyinka ra'iisul wasaaraha Spain, Mariano Rajoy uu barbardhigay kaligii taliyihii hore ee Spain Janaraal Francisco Franco, isagoo na wax laga xumaado ku tilmaamay in xoog lagu hor istaagayo rabitaanka shacabka Catalan, waxaana uu sheegay arrintaas aanan loo dulqaadan doonin.