Boqolaal Qof Oo Ku Geeriyooday Dhul-gariir Xooggan Oo Ka Dhacay Iran Iyo Ciraaq

0
Monday November 13, 2017 - 12:27:25 in by Burco Office
  • Visits: 527
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqolaal Qof Oo Ku Geeriyooday Dhul-gariir Xooggan Oo Ka Dhacay Iran Iyo Ciraaq

    Boqolaal Qof Oo Ku Geeriyooday Dhul-gariir Xooggan Oo Ka Dhacay Iran Iyo Ciraaq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal Qof Oo Ku Geeriyooday Dhul-gariir Xooggan Oo Ka Dhacay Iran Iyo Ciraaq

In ka badan 130 qof ayaa la xaqiijiyey dhimashadooda, boqolaal qof oo kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii dhulgariir ka dhacay Waqooyiga dalka Ciraaq meel ku dhaw xuduudka dalka Iran. Dhismayaasha ayaa soo dumey labada dal, waxaana kala kaca dhulka lagu qiyaasey 7.3rm, kaas oo laga dareemay inta badan dalalka dhaca Bariga dhexe.


Dhulgariirka ayaa dhacay habeenkii xalay waxaana si xooggan looga dareemay caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad.

Xoogga dhulgariirka ayaa ka dhacay magaalada ku taala Waqooyi Bari Ciraaq ee Halabja.

Dhimashada ugu badan ayaa ka dhacdey magaalo ka tirsan dalka Iran oo ku taala Xuduudka waxaana hay’adda badbaadintu ay xaqiijisey 129 qof oo geeri ah iyo 300 oo qof oo dhaawac ah magaalada Sarpol-e Zahab keliya.

Xukuumadda Ciraaq ayaa sheegaysa in dhimashadu ay hadda hayaan ay tahay 4 qof halka dhaawucu uu gaarayo 200 oo qof.

Dhulgariirka ayaa laga dareemay bariga dhexe intiisa badan.Dadka ku sugan caasimadda Ciraaq ee Baqdaad ayaa sheegaya in ay u maleeyeen in la ridey bom aad u culus, argagax ayaa magaalada saameeyey waxaana ruxmey in badan oo kamid ah guryaha, sida ay Majida Ameer u sheegtey Reuters.

Marka la eego xoogga dhulgariirkan o kale ayaa horey uga dhacay dalalka Iran iyo Haiti, waxaana ku geeriyoodey boqlaal kun oo qof.