Rabshado Dad Ku Dhinteen Qaar Kalena Ku Dhaawacmeen Oo Ka Dhacay Nairobi.

0
Saturday November 18, 2017 - 11:32:44 in by Burco Office
  • Visits: 580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rabshado Dad Ku Dhinteen Qaar Kalena Ku Dhaawacmeen Oo Ka Dhacay Nairobi.

    Rabshado Dad Ku Dhinteen Qaar Kalena Ku Dhaawacmeen Oo Ka Dhacay Nairobi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rabshado Dad Ku Dhinteen Qaar Kalena Ku Dhaawacmeen Oo Ka Dhacay Nairobi.

Xaalada magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa degan kaddib rabshado dad ay ku dhinteen oo maalintii shalay ka dhacay xili uu halkaa dib ugu laabtay hogaamiyaha ugu weyn mucaaradka dalkaas Raila Odinga.

Rabashadaha ayaa bilaawday markii ay isku dhaceen dad doonayay in ay soo dhaweeyaan hogaamiyahooda iyo ciidamada Amniga oo la sheegay in ay dadka iska hortaageen soo dhaweynta Raila Odinga.

 


Waxaa la sheegay in ciidamada Booliska Sunta dadka Ilmada ka keentay ku fureen gadiidkii iyo dadweynihii galbinayay Raila Odinga, waxaana ay taageerayaashu ku jawaabeen dhagxaan in ay ku tuuraan ciidamada.

Raila ayaa ku eedeeyay shaqsiga ay sida weyn isku hayaan ee Uhuru Kenyatta in uu ka danbeeyo rabshada islamarkaana ciidamada ku amray in ay is hortaagaan soo dhaweyntiisa.

Odinga, ayaa qaadacay ka qaybgalka doorashadii ku celiska aheyd ee dalka dhawaan ka dhacday, kaddib markii sida uu sheegay aan waxba laga qaban soo jeedintoodii ahayd in wax laga bedelo Guddiga Doorashada.