Senetka Maraykanka oo ansixiyey sharci canshuur dhimid ah

0
Saturday December 02, 2017 - 11:48:03 in by Burco Office
  • Visits: 540
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Senetka Maraykanka oo ansixiyey sharci canshuur dhimid ah

    Senetka Maraykanka oo ansixiyey sharci canshuur dhimid ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Senetka Maraykanka oo ansixiyey sharci canshuur dhimid ah

Aqalka Senetka ee Maraykanka ayaa meel mariyey sharci canshuur dhimid ah, kaasoo dhabbaha u xaaraya guushii ugu horraysay ee Donald Trump uu ka gaaro dhanka sharci dejinta.

Sharcigan waxaa lagu ansixiyey 51 iyo 49, ka dib markii isbeddello is daba joog ah lagu sameeyey.

Qorshahan ayaa canshuur badan ka jaraya shirkadaha, laakin baaritaan uu sameeyey guddi ka tirsan senetka ayaa lagu ogaaday in 11 Trilyan oo dollar uu ku kordhinayo hoos u dhaca miisaaniyadda.

Madaxweyne Trump ayaa doonaya in tallaabooyinkan - oo ah kuwii ugu weynaa ee dhinaca canshuuraha ee Maraykanka tan iyo sideetameeyadii - sharci rasmi ah laga dhigo wixii loo gaaro dhamaadka sannadka.

Senetka haddaba hawsha u taalla ayaa ah inuu is waafajiyo sharci dejintan iyo sharci bishii hore uu meel mariyey aqalka wakiillada.

Sharcigaas labada sharci ka kooban ayaa la hor dhigi doonaa madaxweynaha si uu rasmi ahaan ugu saxiixo oo uu sharci u noqdo.

Madaxweyne Trump wuxuu ku doodayaa in sharcigan uu sahlayo canshuur bixinta oo boostada lagu bixinayoLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMadaxweyne Trump wuxuu ku doodayaa in sharcigan uu sahlayo canshuur bixinta oo boostada lagu bixinayo

Mudanaha kaliya ee ka soo jeeda xisbiga jamhuuriga ee diiday meel marinta sharcigan cusub ee lagu dhimayo canshuuraha ayaa ah Bob Corcker.

"Ma samayn karo in aan dhinac iska dhigo welwelkayga ku aaddan miisaaniyadda oo aan u codeeyo sharci sii fogaynaya culayska dusha ka fuulaya jiilasha soo socda" ayuu yiri.

Khamiistii ayaa guddi wadajir ah oo Senetka u qaabilsan arrimaha canshuuraha wuxuu ogaaday in sharciga jaridda canshuuraha iyo shaqooyinka uu yahay mid sii kordhinaya hoos u dhaca dhaqaalaha Federaalka muddo 10 sano ah.

Warbixinta ayaa ka hor timid oo khilaafsan doodda aqalka cad ee ah in koboca dhaqaale uu yahay mid daboolaya canshuuraha la jaray