Dhaqankii Mesut Ozil Ee Kadib Kulankii Ay Guuldarada Kala Kulmeen Man United Oo Cirka Sii Galisay Wararka La Xiriirinaya Old Trafford

0
Sunday December 03, 2017 - 14:33:27 in by Burco Office
  • Visits: 650
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaqankii Mesut Ozil Ee Kadib Kulankii Ay Guuldarada Kala Kulmeen Man United Oo Cirka Sii Galisay Wararka La Xiriirinaya Old Trafford

    Dhaqankii Mesut Ozil Ee Kadib Kulankii Ay Guuldarada Kala Kulmeen Man United Oo Cirka Sii Galisay Wararka La Xiriirinaya Old Trafford

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaqankii Mesut Ozil Ee Kadib Kulankii Ay Guuldarada Kala Kulmeen Man United Oo Cirka Sii Galisay Wararka La Xiriirinaya Old Trafford

Dhaqankii Mesut Ozil uu sameeyay kadib guuldaradii Man United ayaa abuurtay hadal heyn weyn iyo in ugu yaraan lasii qiyaaso inuu xidigaan durba waji farxadeed u muujiyay shaqsiyaadka uu la shaqeyn doono bilooyin kadib.

Gunners ayaa gurigeeda kusoo dhaweysay Red Devils kulan aad loo wada sugayay xalay, wiilasha Jose Mourinho ayaana ku adkaaday 3-1, kulan David de Gea uu 14-kubadood oo gool loo fishay ka badbaadiyay wiilasha Wenger.

Ozil wuxuu ka mid ahaa xidigaha sida aan caadiga aheyn u ciyaaray, balse dhamaadkii kulanka wuxuu xabadka galiyay badi maamulka tababarka Red Devils taasoo cirka sii galisay wararka la xiriirinaya inuu Old Trafford u dhaqaaqi doono.

Xidigii hore Real Madrid wuxuu xiriir fiican la leeyahay Jose Mourinho oo ay muddo sadex sano ah kasoo wada shaqeeyeen Real Madrid, sidoo kalana waxaa soo ifbaxay warar xan ah oo sheegaya inuu la midoobi doono macalinkiisii hore bisha January markaas oo uu fasax u heysto inuu heshiis la gali karo kooxda uu doono.

Dhanka kala Arsene Wenger wuxuu qiray in Sanchez iyo Ozil aysan bixi doonin January sida lagu heshiiyay bilowga xilli ciyareedka, balse meesha kama uusan saarin iney dhacaan lama filaan aysan ku tashan taasoo ah iney baxaan.

Kooxaha Barcelona, Paris Saint Germain, Man City & Man United ayaa siyaabo kala duwan loola xiriirinayaa xidigahaan doonaya ineysan cusbooneysiin heshiiskooda kooxda oo dhacaya July 2018.

Mourinho wuu diiday inuu ka hadlo arimaha la xiriirinaya Man United mar wax looga weydiiyay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Arsenal.