Golaha ammaanka oo dhaliilay go'aankii Trump

0
Saturday December 09, 2017 - 07:33:32 in by salman abdi
  • Visits: 473
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha ammaanka oo dhaliilay go'aankii Trump

    Kulan degdeg ah oo uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeeshay arrinta Qudus, ayaa dalalka xubnaha ka ah marka laga reebo Maraykanka waxay cambaareeyeen go'aankii uu madaxweyne Trump magaaladaasi ugu aqoonsaday caasimadda Israa'iil.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan degdeg ah oo uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeeshay arrinta Qudus, ayaa dalalka xubnaha ka ah marka laga reebo Maraykanka waxay cambaareeyeen go'aankii uu madaxweyne Trump magaaladaasi ugu aqoonsaday caasimadda Israa'iil.


Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Bariga Dhexe, Nickolay Mladenov, ayaa ka digay in tallaabada Maraykanka ay dhalin karto dhibaato aan la mahdin oo ka dhex billaabata Israa'iil iyo Falastiiniyiinta.

Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay, Nikki Haley, ayaa ururkaasi ku dhaliishay inuu wax u dhimayo hannaanka nabadda looga dhalinayo Bariga Dhexe.

Sidoo kale, ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu wadaa inuu maanta ka shiro go'aanka madaxweyne Trump ee ku aadan magaalada Qudus.

Go'aanka Trump ayaa waxaa dhaliilay dalal badan oo caalamka, ayna ka mid yihiin kuwo xulafo dhaw la ah dalka Maraykanka.

Dhanka kale, gantaal laga soo riday marinka Qaza ayaa ku dhacay magaalada Sderot ee koonfurta Israa'iil, ayadoo ay weli socdaan rabshadaha ka dhashay arrinta Qudus.

Lama sheegin khasaaro nafeed oo uu geystay gantaalkaasi, balse waxaa uu burburiyay gawaari dhowr ah.