Canada oo Soomaaliya ku deeqday $ 10 Million dollar si wax looga qabto dhibaatada Abaarta

0
Sunday December 17, 2017 - 09:10:16 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Canada oo Soomaaliya ku deeqday $ 10 Million dollar si wax looga qabto dhibaatada Abaarta

    Canada oo Soomaaliya ku deeqday $ 10 Million dollar si wax looga qabto dhibaatada Abaarta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Canada oo Soomaaliya ku deeqday $ 10 Million dollar si wax looga qabto dhibaatada Abaarta

Wasiirka wasaaradda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Canada Axmed Xusseen ayaa sheegay in dowladda Canada ku deeqday lacag dhan $10.4 oo wax looga qabanyo dhibaatada Abaarta soo noqnoqatay ee Soomaaliya.

Lacagta ayaa waxaa ku deeqday wasaaradda Hormarinta Caalamiga ah waxaana lagu bixin doonaa caawinta dadka ay saameynta adag ku yeelatay Abaarta Soomaaliya sanadkiiba galaafatay nolasha Kumannaan ruux oo Soomaali ah.

‘’Canada waxaa ay ku faraxsan tahay in ay bixisay gargaar Bani’aadannimo si wax looga qabto baahida kuwa ugu nugul ee bulshada Soomaaliyeed ka mid ah, lana hubiyo in uu gargaarkan gaaray kuwii u baahnaa ‘’ sidaa waxaa yiri Wasiirka Socdaalka dalka Canada Axmed Xusseen.

Lacagahan waxaa loo kala qoondeyn doonaa Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo Mareykanka ee kala ah World Food Programme, UNICEF, the United Nations Development Programme and the American Refugee Committee,waxaana ay ku bixin doonaa Dadka Soomaaliya ee dhibaatada abaarta la kulmaya.

Waxaa uu sheegay Axmed Xuseen in Dowladda Canada ay garab taagan tahay horumarka iyo amniga ka jira Soomaaliya ay dhinaca abaarta ka saacideyso Soomaaliya.

Abaartii ugu danbeyysan ee ku dhufatay Soomaaliya ayaa soo jiidatay indhaha Caalamka, waxaana dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirtaa sidii loogu hortagi lahaa Abaaraha.