Toban ruux oo ku dhaawacantay qarax ka dhacay Suuq Ruushka ku yaalla

0
Thursday December 28, 2017 - 09:40:45 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Toban ruux oo ku dhaawacantay qarax ka dhacay Suuq Ruushka ku yaalla

    Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhacay suuq laga dukaamaysto oo ku yaalla magaalada St Petersburg ee dalka Ruushka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhacay suuq laga dukaamaysto oo ku yaalla magaalada St Petersburg ee dalka Ruushka.


Qof ka mid ah dadkaas ayaa la sheegay in uu dhaawac halis ah soo gaaray ka dib markii waxyaabaha qarxa lagu rakibay suuqaas, sida uu sheegay badhasaabka magaalada.

Dhacdadan ayaa ka dhacday suuqa laga dukaamaysto ee Perekrestok ammin dambe oo Arbacadii ah, waxaa loo baarayaa sidii isku day dil, sida ay saraakiishu sheegeen.

Sikastaba ha ahaatee waxay intaas ku dareen in aysan wali u kala caddayn waxa uu salka ku hayo weerarkan.

Guddiga baaritaanka wada waxay sheegeen in qaraxu uusababay shay waxyaabo qarax gaysta lagu soo habeeyay oo oo culayskiisu ahaa 200g.

Qaraxu wuxuu ka dhacay goobta ay dadka adeeganaya dhigtaan boorsooyinka.

Dadkii dhismaha ku sugnaa ayaa durba la daad gureeyay lamana soo sheegin in uu dab qabsaday, laakiin sawirro la soo dhigay baraha bulshada ee Ruushka ayaa muujinaya in burbur ballaaran uu ka dhashay qaraxaasi oo ka dhacay meel aan aad uga fogayn qaybaha ay dadka adeeganaya lacagta ka bixiyaan.

Baareyaashu waxay sheegeen in ay qaraxan ula tacaalayaan sidii isku day dilLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionBaareyaashu waxay sheegeen in ay qaraxan ula tacaalayaan sidii isku day dil

Bishan horraanteeda madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhiggiisa dalka Maraykanka Donald Trump ayaa khadka taleefanka ku wadahadlay ka dib markii xog ay bixisay hay'adda sirdoonka Maraykanku ay laamaha ammaanka ee Ruushka ka caawisay in ay baajiyaan weerar laga gaysan lahaa magaalada St Petersburg.