Kulan xalay ka dhacay degmada Beled--Xaawo ee gobolka Gedo Iyo Arimaha Laga Hadlayay.

0
Tuesday January 02, 2018 - 09:13:42 in by Burco Office
  • Visits: 415
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan xalay ka dhacay degmada Beled--Xaawo ee gobolka Gedo Iyo Arimaha Laga Hadlayay.

    Kulan xalay ka dhacay degmada Beled--Xaawo ee gobolka Gedo Iyo Arimaha Laga Hadlayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan xalay ka dhacay degmada Beled--Xaawo ee gobolka Gedo Iyo Arimaha Laga Hadlayay.

Wararka ka imanaya degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay uu halkaa kulan ku dhaxmaray mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, maamulka Jubbaland, xildhibaanno halkaa gaaray maalintii shalay.

Beled-Xaawo maalmihii ugu danbeeyay waxaa ka taagneyd xiisad u dhaxeysay shacabka degmada iyo ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo la sheegay in ilaalo ka hayeen Darbi Kenya xadka labada dal.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa , Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Senataro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale ayaa xalay kulamo xog wareysi la qaatay shacabka Beledxaawo.

Waxgaradka degmada ayaa la wadaagay masuuliyiinta ay la kulmeen warbixin la xiriirta xaalada degmada iyo dhibaatoooyinka ay kala kulmaan Ciidamada Dowladda Kenya.

Qubarada iyo masuuliyiinta dowladda dhexe iyo Jubbaland ka socday ayaa waxa ay koormeereen goobta darbiga dowladda Kenya ka dhiseyso.

Guddoomiyaha guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya Xusseen Carab Ciise ayaa sheegay in marka ay yimaadaan magaalada Muqdisho ay soo saarayaan warbixin ay kaga hadlayaan.