Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Oo Wali Ku Jira Fooladayn iyo Damaashaadkii Xilalka Cusub

0
Tuesday January 02, 2018 - 14:30:02 in by salman abdi
  • Visits: 619
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Oo Wali Ku Jira Fooladayn iyo Damaashaadkii Xilalka Cusub

    Wasiirradii cusubaa ee xukuumadda Madaxweynaha cusub ee Muuse Biixi Cabdi, wali waxay u muuqdaan qaar aan wax shaqo ah bilaabin, balse ku mashquulsan xaflado iyo damaashaadyo Huteelka ay ku qaataan oo aan warbaahinta ay ka qariyeen, maadaama oo madax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirradii cusubaa ee xukuumadda Madaxweynaha cusub ee Muuse Biixi Cabdi, wali waxay u muuqdaan qaar aan wax shaqo ah bilaabin, balse ku mashquulsan xaflado iyo damaashaadyo Huteelka ay ku qaataan oo aan warbaahinta ay ka qariyeen, maadaama oo madaxweynuhu ka mamnuucay xafladaha fooladeynta ah.

Wasiirrada xukuumadda cusub tiradoodu tahay 32 iskugu jira wasiirro iyo wasiir ku-xigeenno, intooda badani layli siyaasadeed yihiin, waxaa madaxweynaha ay taasi ku kaliftay inuu tababar lagu carbinayo u qabto wasiirradiisa cusub.

Markii ay tababarkaas oo dhammaysteen waxay ahayd inay si rasmi ah shaqadooda ugu mashquulaan, waxase u bilaabmay xaflado hoose iyo inay darsaan wasaaradihii loo magacaabay oo intooda badani aanay wax fikir ah ka haysan xilalka culus ee dhabarka loo saaray.

 

Waxaa looga baahan yahay wasiirrada cusub inay dalka u shaqeeyaan oo ay madaxweynaha ka taageeraan himiladiisa ku wajahan wax ka qabashada baahiyaha aasaasiga ah ee Somaliland ka jira.

Madaxweynaha waxa la gudboon inuu wasiirrada la xisaabtamo oo uu amar ku siiyo inay ku negaadaan xafiisyadooda oo intooda badani aanay wali sal-dhigin.