Deyrar Ay Dad Shacab Ahi Dhisteen Oo Qariyay Noobiyadda Dekedda Berbera -

0
Tuesday January 16, 2018 - 12:39:47 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deyrar Ay Dad Shacab Ahi Dhisteen Oo Qariyay Noobiyadda Dekedda Berbera -

    Deyrar Ay Dad Shacab Ahi Dhisteen Oo Qariyay Noobiyadda Dekedda Berbera -

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deyrar Ay Dad Shacab Ahi Dhisteen Oo Qariyay Noobiyadda Dekedda Berbera -

Maareeyaha haayada dekedaha Somaliland ahna maamulaha farac bada ee dekeda Barbera Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa sheegay in gaydhadh dhaadheer hareer walba laga mariyay noobiyadii maraakiibtu ay soo eegan jirtay  ee dekedda Berbera isla markaasna meel loo maraaba jirrin.


Waxa uu Siciid Xasan uu sheeg inay qaylo dhaan ka dirayaan in aanay hayn meel ay maraan shaqaalihii noobiyadaasi isla markaasna la xidhay dhulkii dekedu ay ku soo fidaysay ee Imaaraadku balan qaaday dhismihiisa, waxaana isaga oo warbaahinta u waramaaya kuna sugan noobyiyada dekeda uu yidhi "Waxaanu cadaynaynaa in shaqaalahayagii ku sugnaa noobiyadu aanay jirin meel ay ka soo baxaan, Sidaynu ognahay dekeda 400-mt ayaa la dhisayaa waliba waa laba jeer oo min 400 oo mitir ah meel loo soo maro iyo meel agab loo dhigaa toona ma jirto, waxa ku wareegsan dayrar aad u faro badan oo baddii soo galay sidaad aragtaan, sharciyana waxa uu sharcigu sheegayaa in dhulka dekeda 200-mt laga fogaado, maanta runtii qaylo dhaan ayaanu ka diraynaa, arinkani waa mid ka soo horjeeda qaranimada Somaliland.”

Dayrarkan ayaa la dhisay ka dib markii ay xukuumadii hore dad gaar ah siisay dhulkan, kaas oo halis ku ah ammaanka dekedda Berbera oo ah dekedda ugu muhiimsan dekedaha dalka.