Wakaalada ENa Ee Dalka Itoobiya Oo Iftiimisay Qodobo AY Raysal Wasaare Desalegn Iyo Madaxweyne Muuse Ku Heshiiyeen Kulankii Ay Yeesheen

0
Thursday January 18, 2018 - 10:25:41 in by salman abdi
  • Visits: 675
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakaalada ENa Ee Dalka Itoobiya Oo Iftiimisay Qodobo AY Raysal Wasaare Desalegn Iyo Madaxweyne Muuse Ku Heshiiyeen Kulankii Ay Yeesheen

    Wakaalada ENa Ee Dalka Itoobiya Oo Iftiimisay Qodobo AY Raysal Wasaare Desalegn Iyo Madaxweyne Muuse Ku Heshiiyeen Kulankii Ay Yeesheen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakaalada ENa Ee Dalka Itoobiya Oo Iftiimisay Qodobo AY Raysal Wasaare Desalegn Iyo Madaxweyne Muuse Ku Heshiiyeen Kulankii Ay Yeesheen

Wakaallada wararka Itoobiya, ayaa sheegtay in Ra’iisul-wasaare Hailemariam Desalegn uu madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, kala hadlay qodobbo ay ka mid yihiin in la sii xoojiyo iskaashigooda arrimaha nabadgelyada, dhaqaalaha iyo is dhex-galka ganacsiga ee labada waddan.


"Ra’iisul-wasaare Hailemariam Desalegn oo Salaasadii xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, waxay labada hoggaamiye isku afgarteen inay si wadajir ah u horumariyaan arrimaha dekedaha, si loo adkeeyo is-dhexgalka dhaqaale ee labada dal.Warbixinta wakaaladda ENA, waxa soo turjumay Cumar Maxamed Faarax oo ka tirsan bahda Hadhwanaagnews waxaanay u dhignayd sidan.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu caddeeyay inay kor u qaadayaan iskaashiga dhaqaalaha eeay dawladda Itoobiya la wadaagto Somaliland, waxaanu iftiimiyey inay isticmaalayaan marsadda Berbera.

 

Waxa kaloo uu intaas ku daray in dalkiisu uu horumarin doono jidadka si ay ugu fududaato isticaalka dekedda Bebera.

Hailemariam Desalegn wuxuu ku dooday in horumarka dalalka jaarku ay ula mid yihiin horumarka waddankiisa oo kale, waxaanu xusay inay sii wadayaan deeqaha iyo fursadaha waxbarasho ee ay siiyaan Somaliland. Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya wuxuu sheegay inay Somaliland ka taageerayaan la dagaalanka argixisada.

Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhinaciisa sheegay inay Somaliland sare u sii qaadayso xidhiidhka soo jireenka ah ee ay la leeyihiin Itoobiya oo uu bayaamiyey inay dhidibada u adkaynayaan cilaaqaadkooda saaxiibtinimo gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha, ganacsiga iyo waxbarashada.”

Madaxweyne Muuse Biixi waxa booqashadiisa Itoobiya oo qaadan doonta muddo saddex maalmood ah ku weheliya, Wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka ganacsiga, wershadaha iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad, Wasiirka waxbarashada iyo sayniska, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon),Wasiirka Arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire oo weftiga kaga biiray Itoobiya iyo Taliyaha ciidanka qaranka, sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani.