Abwaan hadraawi oo ku biiray liiska abwaano xukuumadda cusubi ee madaxweyne muuse biixi ka jartay gunaddii

0
Monday February 05, 2018 - 15:54:36 in by salman abdi
  • Visits: 1079
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan hadraawi oo ku biiray liiska abwaano xukuumadda cusubi ee madaxweyne muuse biixi ka jartay gunaddii

    Abwaan hadraawi oo ku biiray liiska abwaano xukuumadda cusubi ee madaxweyne muuse biixi ka jartay gunaddii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abwaan hadraawi oo ku biiray liiska abwaano xukuumadda cusubi ee madaxweyne muuse biixi ka jartay gunaddii
Wararka aan helayno ayaa tibaaxaya in Abwaanka Wey n ee Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi oo iminka ku Nool Magaaladda Burco Isla Markaana Caafimaadkiisu aad u Wanaagsan Yahay Laga Jaray Gunno uu qaadan jiray oo ahayd guno sharafeed Abwaanka ayaa Waxa kula Lamaanaa Xilligaa Alle Haw Naxariistee Marxuun Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye Madaxweynahaa Hore Daahir Rayaalle Kaahin Ayaa odayaasha ku Maamuusay Lacag Yar oo uu ugu Talgalay inay Ka dhigtaan Shidaalka iyo Sahayda Safarada markay Gobolada u ambabaxayaan.
 
 
 
 
 



 
 
 
Gunadaas ayaa la sheegay in Xukuumadii Hore ee Madaxweyne Siilaanyana ogolaatay in Abwaanka iyo Abwaano KalebaLa siiyo Balse Maalmahan Waxa soo Baxayey Warar Sheegaya In Lacagtaa Yare e Gunadda ah aan Abwaanka La Siin Saddexdii Bilood ee Ugu Dambeeyay
 
 
 
Qaar ka mida Ehelada Abwaanka oo aannu La xidhiidhnay ayaa noo Xaqiijiyay in ay jirto maqnaanshiyaha gunadii uu qaadan jiray ,waxaaney sheegenaanay soo Gaadhin isla markaana Meesheedii ay Buuxiyeen OdayaalSaaxiib Dhaw la ah Abwaanka Mid ka mida Ehelada Abwaanka oo Magaciisa ka Cudurdaartay inaanu Sheegno Ayaa Sidan noo Sheegay.
 
 
 
"Walaal Way Jirtaa muuna qaadan Waxaana ka jartay Xukuumadan Cusub ee Muuse Biixi”Mar aannu Waydiinay Inay La Xidhiidheen Xukuumadda iyo In Kharasha La’aani Jirto oo ay Dib uga Dhacday Waxay ku Jawaabeen
 
 
 
"Haa Waanu La Xidhiidhnay Laakiin Inay Jareen iyo In Kharash La’aani Jirto Noomay Kala sheegin Wuxuba Cadad Yar oo Shan Boqol oo Dollar ayay ahayd Markaa Wax Wara oo Dambe Kama Hayno Laakiin Abwaano Badan iyo Dad Kaleba Waa laga Jaray oo ilaa Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Qaadanayey Xaajiga Madaxweynihii Hore Daahir Rayaalle Ayaa u Qoray Xukuumadiina Siilaanyana Way u Tixgelisay Laakiin Waxa Qoladan Cusubi u Joojisay Nooma Cada odayguna Nin Lacag u Baahan Maaha rayaalle iyo Siilaanyaba iyagaa ku Sharfay Bulshadana Hadraawi iyo Abwaanada la midka ah iyo Dadka Bulshada Dhexdooda ka mudan ee Biri’magaydada ahi Way Istaahilaan in La Gacan Qabto oo La muuneeyo
 
 
 
 
Dhinaca Wasaaradda Maaliyadda iyo Madaxtooayada ayaannu isku Daynay inaanu Arrimaha Wax ka waydiino Balse Nooma Suurta gelin innaanu Cid Ka Helno Dhawaan ayay Ahayd Markii Warbaahinta uu Abwaan Cabdillaahi Xirsi Baarleex oo Ka mida Abwaanada Waaweyn Xanuuna u Jiifa Gurigiisa oo Ku Yaala Hargeysa uu Sheegay in Laga Goostay Gunno Yar oo Xafiiska Madaxtooyada Laga Siin Jiray