Xukuumadda Muuse Biixi Oo Bilowday Qorshe Ay Ku Faquuqayso Tv-yada Somaalida.

0
Friday February 09, 2018 - 16:19:40 in by salman abdi
  • Visits: 568
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Muuse Biixi Oo Bilowday Qorshe Ay Ku Faquuqayso Tv-yada Somaalida.

    Xukuumadda Muuse Biixi Oo Bilowday Qorshe Ay Ku Faquuqayso Tv-yada Somaalida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Muuse Biixi Oo Bilowday Qorshe Ay Ku Faquuqayso Tv-yada Somaalida.

Xukuumadda Cusub ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,ayaa bilawday in ay kala saarto War-baahinta kala duwan ee ka hawgasha Somaliland, gaar ahaana Tv-yada ku haddla afka Somaliland, iyadoo bilowday in ay si gaar ah u fogayso una faquuqdo Tv-yad aan laga lahayn Somaliland ee laga leeyahay degeenada kale ee Somaalidu degto, kuwaas oo aan fooda gelin karrin xarumaha Dowlada , isla maraakana aan la ogolayn in ay ka qayb-galaan shirarka jaraa’id ee ay masuuliyiinta Dowlada ay qabanayaan.

 

 

Qorshan ay Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Biixi ay ku tagoorayso Tv-yada afka Soomaalida ku haddley kuwooda aanay lahayn shaqsiyaadka u dhashay Somaliland, ayaa hadda maal-mihii u dambeeyey u muuqday mid si dad-ban loo dhaqan-geliyey, iyadoo loo diiday in Tv-yadaasi aan laga lahay dalka gudihiisa ee af-soomaaliga ku haddla inay ka qayb-galaan shirar saxaafadeed-yo todabaadkan iyo kii ina dhaafayba ka dhacay wasaarada Maaliyada, Madaxtooyada , Xuskii ciidanka Qaranka Somaliland iyo kuwo kaleba, waxaana xusid mudan in lagu casuumay keliya shanta Tv ee laga leeyahay Gudaha Somaliland oo weheliyey Tv-ga ku haddla afka Xukuumadda Somaliland.
 
 
 
 
 


 

Docda kale Wakiilada Tv-yada aan laga lahayn Somaliland halkan ujooga iyo weriyayaasha ka hawgala, ayaa talaabada xukuumadda Madaxweyne Biixi ka niyad xumaaday, iyagoo sheegay inuu jiro caadis xoogan oo ay Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Biixi ay ku hayso, kaas oo ah in ay masuuliyiinta Dowlada oo ugu horeeyo Wasiirka War-faafintu ka maanaceen in ay ka qayb-galaan shirarka saxaafadeed-yada ay qabanayaan, waxaanay noo sheegeen inay shirarka saxaafadeed ay ka qayb-galaan keliya Tv-yada ay ashkhaasta reer Somaliland leedahay iyo ka dowlada, balse gebi ahaanba loo diiday

 

 

 

 

 

Ma jiro wax war ah amuurta ku saabsan oo kasoo baxay Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, marka laga tago xogahaasi, balse waxa jira cadaadis gaar ah oo tan iyo intii uu Xilka la wareegay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay xukuumaddiisu ku hayso Tv-yad afka Soomaalida ku haddla ee aanay lahayn shaqsiyaadka kasoo jeeda Somaliland.

 

 

 

 

Si kastaba ha-haate waxayn dhawrna waa halka oo sal dhigto faquuqa ay Xukuumadda Somaliland ku hayso Tv-yad afka Somaalida ku haddla kuwooda aan laga lahayn gudaha Somaliland iyo wixii ku dambeeyo xaalku.