Neymar Oo Ka Hor Kulanka Real Ka Farxiyay Jamaahiirta Barcelona Kadib Markii Uu Lugta Ku Sawirtay Taariikhda Koobkii Champions League Ee Berlin.

0
Monday February 12, 2018 - 16:51:10 in by salman abdi
  • Visits: 925
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Neymar Oo Ka Hor Kulanka Real Ka Farxiyay Jamaahiirta Barcelona Kadib Markii Uu Lugta Ku Sawirtay Taariikhda Koobkii Champions League Ee Berlin.

    Neymar Oo Ka Hor Kulanka Real Ka Farxiyay Jamaahiirta Barcelona Kadib Markii Uu Lugta Ku Sawirtay Taariikhda Koobkii Champions League Ee Berlin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Neymar Oo Ka Hor Kulanka Real Ka Farxiyay Jamaahiirta Barcelona Kadib Markii Uu Lugta Ku Sawirtay Taariikhda Koobkii Champions League Ee Berlin.

Weeraryahanka Paris Saint Germain Neymar Junior ayaa qaaday talaabo uu kaga careysiinayo jamaahiirta Real Madrid sidoo kalana kaga farxinayo kuwa Barcelona kadib markii uu lugtiisa midig ku sawirtay taariikhda habeenka farxadiisa ee Berlin.

Kulanka Arbacada waa mid muhiimad gaar ah u leh xidiga reer Brazil maadaama uu talaabo weyn u qaadi karo hanashada tartanka yurub mar kale, taasoo ku jiidi karta inuu abaalmarinta shaqsiga ah kula dagaalamo Messi & CR7.

Iyadoo ay taasi jirto ayuu hadana booqday xarun lagu sawiro farshaxanka, wuxuuna go’aansaday in lugtiisa midig loogu sawiro koobka Champions League iyo sidoo kale taariikhda 6.6.2015 taasoo ah habeen uusan iloobi karin maadaama ay 3-1 ku garaaceen Juventus.

Waa koobkiisii ugu horeeyay ee horyaalada yurub, wuxuu ka mid ahaa xidigahii soo bandhigay ciyaaraha wanaagsan, sidoo kalana wuxuu ahaa dhaliyaha goolka sadexaad ee wadnaha jaray kooxda reer talyaani.


Neymar Junior wuxuu dib ugu soo laaban doonaa caasimada Madrid isagoo cadaw ku ah mar kale Real Madrid, waana kooxda ugu badan ee lala xiriirinayo waqtigaan tan iyo markii uu isaga tagay Blaugrana