Kenya:- Madaxa Golaha Aqlabiyada Barlamaanka Kenya Oo Eedo Culus U Jeediyay Mid Ka Mida Masuliyinta Dawlada.

0
Wednesday February 21, 2018 - 07:17:06 in by salman abdi
  • Visits: 579
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya:- Madaxa Golaha Aqlabiyada Barlamaanka Kenya Oo Eedo Culus U Jeediyay Mid Ka Mida Masuliyinta Dawlada.

    Madaxa Golaha Aqlabiyada Barlamaanka Kenya Mudane Aden Bare Ducale ayaa ku eedeyay Mudanaha Aqalka Sare ee Laga soo Doortay ismaamulka Baringo Gideon Moi in uu ku Heesto Wasiirka Isgaarsiinta iyo Technoolajiyada Mr Joe Mucheru Dano Gaar ah uu isaga L

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxa Golaha Aqlabiyada Barlamaanka Kenya Mudane Aden Bare Ducale ayaa ku eedeyay Mudanaha Aqalka Sare ee Laga soo Doortay ismaamulka Baringo Gideon Moi in uu ku Heesto Wasiirka Isgaarsiinta iyo Technoolajiyada Mr Joe Mucheru Dano Gaar ah uu isaga Leeyahay oo aan ku Saleysneyn Sharciga u Yaal Kenya.


Mr Moi oo ah Gudoomiyaha Gudiga Isgaarsiinta iyo Technoolijiyada u Qaabilsan Golaha aqalka Sare ee Kenya ayaa u Yeeray Wasiirka in uu ka soo Hormuuqdo Aqalka Senatka si su,aalo looga Weydiiyo sababta bishii la soo Dhaafay ay Xukuumada Kenya u Xirtay Sadex Tv- oo ka Mid Tv yada ugu caansan Dalka Kenya.

Balse Wasiirka ayaa Ka Baaqday Markii Labaad isaga oo ku Cudur daartay in uu Ku Mashquulsan Yahay Kula Fadhiga Golaha Wasiirada.

Ducaale ayaa Waxaa uu Sheegay Sababta Ka danbeysa in Golaha aqalka ay u Yeeraan Wasiirka ay Tahay in Gideon Moi uu Yahay Milkiilaha Tv-ga KTN oo Fadhigiisu yahay Magaalada Nairobi.

Haweeneyda Qaabka Magacaabista ah uga Tirsan Golaha Senatka ahna Gudoomiye ku Xigeenka Gudiga isgaarsiinta iyo Technoolajiyada Marwo Halake Abshiro ayaa Waxaa ay sheegtay in Wasiirka isgaarsiinta uu Heesto ilaa iyo 6-da bisha soo aadan ee Maarso.