Togdheer:-Hirdan Adag Oo Lagu Jiro Kursiga Gudoomiye Ku Xigeen Ee Gobolka Togdheer Iyo Siyaayin Ku Loolamaya+Xilkaas Oo Loo Xidhay Cid Gaar Ah.

0
Wednesday March 07, 2018 - 11:37:34 in by salman abdi
  • Visits: 1165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Togdheer:-Hirdan Adag Oo Lagu Jiro Kursiga Gudoomiye Ku Xigeen Ee Gobolka Togdheer Iyo Siyaayin Ku Loolamaya+Xilkaas Oo Loo Xidhay Cid Gaar Ah.

    Waxa Mudooyinkii Udanbeeyay Hirdan Adag Oo Ay Ku Kale Rixanayaan,Kursiga Badhasab Ku Xigeenka Gobolka Togdheer Ku Kale Jiray ,Siyaasiyiin Dhawr Ah Oo Qaarkoodna Xukumadii Hore Ee Dalka Xilil Wasiirnimo Kasoo Qabtay,Halka Qaarna Hada Ku Cusub Yihiin M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Mudooyinkii Udanbeeyay Hirdan Adag Oo Ay Ku Kale Rixanayaan,Kursiga Badhasab Ku Xigeenka Gobolka Togdheer Ku Kale Jiray ,Siyaasiyiin Dhawr Ah Oo Qaarkoodna Xukumadii Hore Ee Dalka Xilil Wasiirnimo Kasoo Qabtay,Halka Qaarna Hada Ku Cusub Yihiin Maslax Siyaasada,

Siyaayintani Ku Loolamayaa Ayaa Kasoo Wada Jeeda Gobolka Togdheer Gar,ahaan Degmada Qorilugud Iyo Deegaano Kale Oo Tirsan Gobolada Togdheer Iyo Buhoodle,Siyaayintan Oo Badankoodu Kasoo Dhex Muuqday Loolankii Xisbiga Kulmiye Ku Hantiyay Taladda Dalka.

Siyaasiyinta Loolanka Adagi Ka Dhaxeeyo Ayaa Waxa Ka Mida Wasiir Hore Axmed Cali Ubaxle,Wasiir Hore Maxamed Salebaan Wayne, Wasiir Hore Cabdirashiid Maxamed Cali (Riyo-raac) Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye Gobolka Togdheer Xasan Mataan Iyo Suxufi Hore Axmed Sakaaro Oo Qaarkoodna Kulmiye Ahaa Qaarna Banaanka Ka Joogay.

Siyaasiyiintani Oo Isku Deegaan Ka soo Jeeda Ayaa Sheegay In Degaankooda Booskaasi Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Togdheer U Bananyahay Waana Ta Keentay Inay Siyaayin Badan Oo Isku Deegaan Ah Ay Ku Loolamaan Xilkan Oo Wali Aan La Magaacabin,


 

Siyaasi Axmed Cali Ubaaxle:-Waxa Uu Xilka Wasiirka Wasaaradda Warsadaha Kasoo Qabtay Xukumadii Daahir Riyaale Kaahin ,Taaso Oo U Ahaa Siyaayinta Aan Xilalkii Danbe ee Xukumadeed Soo Qaban,Lakiin Loolankii Adkaa Ee Doorashadii U Danbeeyay Ka Dhex Muuqday Xisbiga Kulmiye Oo Haatana Ka Mida Shakhsiyaadka Ku Gaafwareegaya Madaxtooyada Si U Qabto Xilka Gudoomiye Ku Xigeen Ee Gobolka Togdheer.

Siyaasi Maxmed Salebaan Wayne :-Oo Isna Xilka Wasiirka Warshadaha Kasoo Qabtay Xukumadii Daahir Riyaale Kaahin Oo Ay Is Badaleen Wasiirkii Warshadaha ee Markaasi Ahaa Axmed Cali Ubaxle Ayaa Ka Mid ah Siyaayintiii Xukumadii Silaanyo Aan Ka Mid Noqon Masuuliyintii Tirada Badnaa ee Xilalka Lagu Taxay,Hase Ahaate Ka Dhex Muuqday Olalahii Xisbiga Kulmiye Ee Madaxwayne Muuse Biixi Lagu Doortay,Oo Isna Ka Mid Ah Dadka Gaafwareegaya Madaxtootayada Si Uu Qabto Xilka Gudoomiye Ku XIgeen Ee Gobolka Togdheer.

 

 

Siyaasi Cabdirashiid Maxamed Cali (Riyo-raac) :-Oo Xilal Kale Duwan Kasoo Qabtay Xukumadii Axmed Silaanyo Ayaa Waxa Ka Mid ahaa Wasiir Dawlaha Xananada Xoolaha ,Kana Mid ahaa Masuuliyintii Ka Dhex Muuqday Olalahii Xisbiga Kulmiye Ee U Danbeeyay Taasina Keentay Inuu Hirdan Adag U Galo In U Helo Xilka Godoomiye Ku Xigeen Gobolka Togdheer Oo Degaankiisa U Xidhan Yahay.

 


 

Siyaasi Xasan Mataan:-Oo Ku Cusub Maslaxa Siyaasada Oo Sanadiihii Udanbeeyayna Ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Togdheer,Ayaa Ka Mida Siyaasiyiinta Quudaraynaya, Xilalka Xukumada Madaxwyane Muuse Lakiin,Ka Mid Ah Dadka Ku Loolamayay Badhasab Ku Xigeenka Gobolka Togdheer,Se Warar Kale Ayaa Sheegayaa Inuu Diiday Inuu Qaato Xikaasina Isla Markaana Uga Dhawyahay Siyaayinta Kale Ee La Loomaysa.

 

 

 

Siyaasi Axmed Sakaaro:-Ayaa Isna Ka Mid ah Shakhsiyaadka Xilka Badhasab Ku XIgeenka Gobolka Togdheer Oo Kaga Jiro Hunguri Oo Isugu Ka Mid Ahaa Suxufiyinta Gobolka Togdheer Isla Markaana Isku Degaanyihiin Siyaayinta Kale Ee Doonaysa Inay Noqdaan Badhasab Ku XIgeenka Gobolka Togdheer Ee Xukumada Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.

 

Siyaasiyintani Uu Ka Dheexayo Loolanka Adagi Ayaa Iskugu Jira Siyaasiyin Wasiiro Kasoo Qabtay Xukumadii Kale Danbeeyay Ee Halka Siyaayina Ay Ku Cusubyihiin Maslax Siyaasada,Lakiin Isku Hunguri Ka Hayo Xilka Gudoomiye Ku XIgenka Gobolka Togdheer Oo Ay Ka Helayaan Xukumada Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.

 

 

 

Mid Ka Mida Siyaayinta Ku Loolamayaa Kursiga Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Togdheer Oo Aan Khadka Tilifoonka Kula Xidhiidhnay Ayaa Noo Sheegay Inay Siyaasiyintaasi Oo Dhami Ay Ku Loolamayaan Xilka Gudoomiye Ku Xigeenka. Sidoo sheegay In Beeshooda Ay Booskaasi Uga Banaanyahay Xukumada U Hogaaminayo Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.