DUBAI: Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Kulmay Wasiirka Madaxtooyadda Imaraadka +SAWIRRO

0
Thursday March 15, 2018 - 08:22:13 in by salman abdi
  • Visits: 1024
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DUBAI: Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Kulmay Wasiirka Madaxtooyadda Imaraadka +SAWIRRO

    Madaxweynaha somaliland iyo weftigii uu hogaaminayey ee safarka ku joogay wadanka Imaaraadka carabta ayaa guda galay hawlihii ay u tageen wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha somaliland iyo weftigii uu hogaaminayey ee safarka ku joogay wadanka Imaaraadka carabta ayaa guda galay hawlihii ay u tageen wadankaasi.

Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa ayaa maanta kulan la qaatay wasiirka madaxtooyada ee dawlada imaaraadka sheekh Mansuur Ninu Saa’id.


Wasiirka arimaha dibada somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ka mid ah weftiga madaxweynaha ayaa ka hadlay kulanka labada dhinac, isaga oo sheegay in madaxweyne Muuse Biixi iyo wasiirka madaxtooyada ee imaaraadku ay ka wada hadleen danaha labada dal.

Wasiir Sacad ayaa sheegay in labada dhinac ay si mug leh iskugu afgarteen wada hadalka ay yeesheen, waxaanu yidhi "Waxaanuu nimid inaanu la kulano dawlada imaaraadka, waxaanan maanta la kulanay sheekh Mansuur Binu Saa’id oo ah wasiirka madaxtooyada, si wanaagsan ayaa wada hadalkaasi noogu dhacay, waxaanan ka wada hadalnay danaha labada dal dhinac walba oo ay tahay, waanan isku afgaranay si wacana wuu noogu dhacay kulankaasi.” Ayuu yidhi wasiirka arimaha dibada somaliland Dr, Sacad Cali Shire.

Weftiga dawlada somaliland ee uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi ayaa maalmaha soo socda sii wadi doona kulamadooda.