Maraykanka:- Donald Trump oo saxiixay sharci ka careysiiyay Shiinaha.

0
Saturday March 17, 2018 - 08:15:26 in by salman abdi
  • Visits: 580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka:- Donald Trump oo saxiixay sharci ka careysiiyay Shiinaha.

    Maraykanka:- Donald Trump oo saxiixay sharci ka careysiiyay Shiinaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maraykanka:- Donald Trump oo saxiixay sharci ka careysiiyay Shiinaha.

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay sharci saraakisha dalkaasi u ogolaanaya in ay u safraan Taiwan islamarkana ay la kulmaan madaxda Taiwan.

Arrintan waxa ay ka caraysiisay dowladda Shiinaha.

Dowladda Mareykanka xiriir dublamaasiyadeed oo toos ah lama laha Taiwan, balse waxa ay ka iibiyaan hubka waxa ayna Mareykanka ka taageeraan Taiwan sidii ay isu difaaci lahaayeen.

Dhanka kale Xeer ilaaliyaha guud ee mareykanka ayaa xilka ka qaaday agaasime ku xigeenkii hore ee FBI-da Andrew McCabe laba maalmood uun ka hor inta uusan hawlgab ka noqon xilkaasi.

Andrew McCabe waxa uu aad ugu lug lahaa baaritaanadii ka dhanka ahaa Hillary Clinton ee isticmaalka iimaylkeeda gaarka ah iyada oo gudaneysa waajinbaadkeeda shaqo iyo eedeymo sheegayay in Ruushka uu faragelin ku sameeyay doorashadii madaxtinimada ee waddankaasi Mareykanka ka dhacday sanadkii 2016-kii.

McCabe waxa uu sheegay in loo bartilmaameedsanayo doorkii uu ku lahaa baaritaanadani iyo dhacdooyinkii uu u soo joogay kaddib markii xilka laga qaaday agaasimihii hore ee FBI-da James Comey.