Washington:-"Trump oo gacantiisa ku qortay waraaq caafimaadkiisa ka hadlaysa".

0
Wednesday May 02, 2018 - 09:13:36 in by salman abdi
  • Visits: 516
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Washington:-"Trump oo gacantiisa ku qortay waraaq caafimaadkiisa ka hadlaysa".

    Washington:-"Trump oo gacantiisa ku qortay waraaq caafimaadkiisa ka hadlaysa".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washington:-"Trump oo gacantiisa ku qortay waraaq caafimaadkiisa ka hadlaysa".

Dhakhtarkii hore ee madaxweyne Trump ayaa sheegay in uusan qorin waraaqdii caddaynaysay xaaladda cafimaad ee Trump sannadkii 2015kii, markaas oo uu ahaa murashaxa xisbiga Jamhuuriga. Waraaqdaas ayaa lagu qoray "in ay aad u wanaagsan tahay xaaladdiisa caafimaad," sida ay ku warrantay warbaahinta Maraykanka.

"Trump" ayaa yeeriyay dhammaan waxa lagu qoray waraaqda," ayuu Dr Harold Bornstein u sheegay telefishinka CNN Talaadadii.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaan wali ka jawaabin eedaymaha loo soo jeediyay madaxweynaha.

Bornstein ayaa sidoo kale sheegay in dawladdu "ay hawlgal ka fulisay" xafiisyadiisa bishii Feebaraayo ee 2017kii, ayna kala tagtay dhammaan macluumaadkii ku saabsanaa caafimaadka madaxweynaha.

Waraysi uu Bornstein siiyay telefeshinka CNN ayuu ku sheegay in waraaqdii la qoray sannadkii 2015kii ee sheegaysay in Trump uu noqon doono "shaqsigii ugu caafimaad badnaa ee abid madaxweynenimo loo doorto" aysan ku imaanin qiimayn uu sameeyay isaga oo adeegsanaya xirfaddiisa.

Ma cadda sababta uu hadda u soo jeedinyo eedaymahan.