Hargeisa:-Taliyaha Booliiska Oo Fariin U Kala Diray Guud Ahaan Shacabka Iyo Ciidammada Booliiska +Arimaha Soo Kordhay.

0
Wednesday May 09, 2018 - 12:35:39 in by salman abdi
  • Visits: 487
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Taliyaha Booliiska Oo Fariin U Kala Diray Guud Ahaan Shacabka Iyo Ciidammada Booliiska +Arimaha Soo Kordhay.

    Hargeisa:-Taliyaha Booliiska Oo Fariin U Kala Diray Guud Ahaan Shacabka Iyo Ciidammada Booliiska +Arimaha Soo Kordhay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-Taliyaha Booliiska Oo Fariin U Kala Diray Guud Ahaan Shacabka Iyo Ciidammada Booliiska +Arimaha Soo Kordhay.

Taliyaha guud ee ciidamada booliska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan,ayaa bulshada Somaliland iyo ciidanka booliska u kala diray farriimo la xidhiidha sugidda amniga iyo sidii ay isu kaashan lahaayeen booliska iyo dadweynaha reer Somaliland, ugana wada shaqayn lahaayeen nabad-gelyada guud iyo ka hor tagga wax kasta oo waxyeelayn kara dabbaal degga sannad guurada 27-aad ee la soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland ee 18 May oo sannadkan loo soo hor mariyay 15 May, si aanay ugu beegmin Bisha barakaysan ee Ramadaan



Taliyaha booliska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa bulshada Somaliland ku dhiiri galiyay in ay indhohoodu furnaadaan oo qof kastaaba uu u war hayo gurigiisa ka ku xiga iyo cidda deggna ee ay dariska yihiin. Si loo sugo amniga guud ee dalka. Waxaanu intaa ku daray in nabad gelyada oo lawada illaashadaa ay tahay waajib qaran oo qof kasta oo muwaadin ah la gudboon si loogu wada noolaado nabad iyo qaran jira horumarkiisa. Taliye Fadal, waxa kale oo uu ciidanka booliska faray in ay sii laban laabaan dedaalka ay hadh iyo habeen heeganka u yihiin ee ay ku illaaliyaan nabad gelyada dalka iyada oo uu soo dhaw yahay xuska munaasibadda qaran ee 27-tan. Guurada ka soo wareegay maalinta la soo noqoshada madaxbannaanida Jmahuuriyadda Somaliland. Taliyaha booliska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi "waxaan ka codsanayaa dhammaanba bulshada Somaliland sidii muwaadinimada ahayd ee horeba ay ciidankooda ula shaqayn jireen shacabku in ay sii laban laabaan oo ciidanka booliska ula shaqeeyaan indhohooduna ay furnaadaan oo qof walbiba uu ogyahay gurigiisa ka ku xiga ee ay jaarka yihiin cidda deggan oo ay nabad gelyada qarankeenana dhankooda ay ka illaaliyaan”. Taliye Fadal oo ciidanka booliska la hadlayay, ayaa yidhi. "ciidanka booliska oo hadh iyo habeenba heegan ugu jira sugidda amniga guud ee dalka waajibaadkoodana guta waxaan farayaa in ay sii laban laabaan hawlaha qaran ee ay dalka u hayaan oo ay sii kordhiyaan dedaalkooda, iyaga oo kaashanaya shacabkooda oo la shaqaynaya dadkooda nabada jecel.” Ugu dambayn waxaa uu taliyuhu guud ahaan bulshada Somaliland ku hambalyeeyay munaasibadda 27 guurada maalinta la soo noqoshada madaxbannaanida qaran ee 18 May.