Washington:-Maraykanka oo hawada ku fasaxaya diyaarado kaneecada buufiya.

0
Tuesday May 15, 2018 - 07:28:01 in by salman abdi
  • Visits: 519
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Washington:-Maraykanka oo hawada ku fasaxaya diyaarado kaneecada buufiya.

    Washington:-Maraykanka oo hawada ku fasaxaya diyaarado kaneecada buufiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washington:-Maraykanka oo hawada ku fasaxaya diyaarado kaneecada buufiya.

Wakaaladda La Socodka gaadiidka hawada ee Maraykanka ayaa markii ugu horeysay ruqsad siinaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo markan loo isticmaalayo ujeeddooyin gaar ah.

Maraykanka ayaa leh sharciyada ugu adag adduunka ee xagga gaadiidka cirka, iyada oo gabi ahaanba horay u mamnuucday in ay dadka isticmaalaan diyaaradaha Drones-ka.

Kuwan waxaa ka mid ah kuwa loo isticmaalayo in lagu kormeero beeraha, iyo kuwa sidoo kale lagu buufiyo kaneecada.

Hase yeeshee shirkadda suuqa Internerka ee Amazon ayaanan weli loo ogolaanin in ay diyaaradahan u isticmaasho si ay badeecooyinka laga iibsaday ugu geyso guryaha macaamiisha.

Dalka Maraykanka waxaa ka diiwaangashan illaa 90,000 duuliyeyaal dhulka ka haga diyaaradahan iyo illaa 1 milyan oo diyaaradaha Drones-ka ah.

Shirkadaha la ogolaaday waxaa ka mid ah shirkadda Apple ee taleefoonada, waxayna kicinaysa diyaaradan si ay sawir hawada sare ah uga qabato Waqooyiga Carolina. Waxaa kale oo la wadaagaya shirkadaha Microsoft iyo Uber.

Xitaa shirkadda samaysa diyaaradahan Drones-ka ee DJI ayaa loo diiday isticmaalka diyaaradahan

Yaa loo ogolaaday?

  • Wakaalad dowladeed oo ka jirta gobolka Florida si ay ula dagaalanto kaneecada
  • Shirkad lagu magacaabo Choctaw Nation oo Oklahamo ka jirta, taas oo kaashanaysa warbaahinta CNN , si loo duubo muuqaalada uusan arag duuliyaha.
  • Gobolka North Carolina oo la shaqaynaya shirkadda Flytrex ayaa tijaabo galinaya diyaaradahan si ay u daabuli karaan alaabo.
  • Shirkadda FedEx ayaa iyaduna loo ogolaaday isticmaalka diyaaradahan
  • Waxaa kale oo loo ogolaaday degmada Reno si ay ugu qaado dawooyinka dadka u baahanyihiin oo guryahooda loogu geynayo.

10-ka guuleystayaal ayaa laga soo xushay illaa 149 codsadayaal oo arji soo qortay in loo ogolaado isticmaalka diyaaradda Drone-ka.

Weli mamnuucista lagama qaadin isticmaalka Drone-ka, balse kuwan la ogolaaday waxa ay heystaan illaa 3 sano oo ay ku sameeyaan tijaabooyin, iyaga oo xogta lasoo wadaagaya wakaaladda FAA ee qaabilsan gaadiidka cirka.

Xogta la helo ayaa lagu salayn doonaa xeerar cusub oo la qorayo, si diyaaradahan ay qeyb uga noqdaan gaadiidka rayidka ah ee cirka.