Saaxil:-Hay'ada Wadaniga Ah Ee YOVENCO Oo Si Wayn Usoo Bandhigtay Faa'iidada Mashruuca Caruurta Wax Bar

0
Monday May 21, 2018 - 12:54:12 in by salman abdi
  • Visits: 792
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saaxil:-Hay'ada Wadaniga Ah Ee YOVENCO Oo Si Wayn Usoo Bandhigtay Faa'iidada Mashruuca Caruurta Wax Bar

    Hayada wadaniga ah ee Yovenco oo qayb ka ah barnaamijka wax –bar caruurta (Educate A Child) ayaa qalab wax barasho dhamaystiran gaadhiisiisay dugsiga hoose dhexe ee magaalada laalays ee dhinaca koonfureed ee Gobolka Saaxil .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hayada wadaniga ah ee Yovenco oo qayb ka ah barnaamijka wax –bar caruurta (Educate A Child) ayaa qalab wax barasho dhamaystiran gaadhiisiisay dugsiga hoose dhexe ee magaalada laalays ee dhinaca koonfureed ee Gobolka Saaxil .


Caawimada qalabkani ayaa waxay qayb ka ahayd ololaha lagu tageerayo caruurta dugsigayada dhigtada taasi oo lagu yaraynayo ama hoos loogu dhigayo jahliga ama aqoon laanta haysta dhalinyarada . ololahani wacyigelinta ah dhinaca waxbarashada ah ayaa halkaasi waxaa lagu soo bandhigay dhibaatada ay aqoon la,antu leedahay iyagoo madaxada kasocotay haayada yovecno oo ka wakiil ah barnaamijka WAX-BAR CARUURTA bulshadana faray inay caruurta dugsiyada waxbarashada la keeno si loola dagaalamo jahliga iyo dhibaatada uu bulshada gaadhsiiyo 

style="text-align: justify;">

 

Agaasimaha guud ee Hayaada Yovenco Shabcaan Cabdilaahi Cilmi oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay wadaan kulan wacyigelin ah oo ay doonayaan inay caruurta waxbarashada ugu yeedhaan , iyagoo kaashanaya haayada UNICEF oo kaalin wayn ka qaadata dhinaca waxbarashada iyo iskuulada taasi oo aanu kawada shaqayno dhinaca horumarinta waxbarashada ,gaar ahaan waxaan idiin soo gudbinaa yovenco ahaana wixii qalab waxbarashao ah iyo dhamaanba wixii lagu tageerayo waxbarashada , dhamaanba deeganada aanu ka shaqaynao oo aad kamid tihiin.

Shabcaan waxaa uu sheegay inay wadaan sidoo kale wacyigelin dhinaca waxbarashada ah oo soo bilaabatay 2015-ilaa hada taasi oo ay ka wadaan deeganada xeebaha galbeedka iyo bariga gobolka saaxil gaar ahaana ilaa 30 tuulo oo hoos yimaada degmooyinka BULUXAAR iyo LAASCIIDLE kaasi oo la doonayo caruurta dugsiyada lagu soo celiyo maadama ay abaaro ba,ani dalka ka dhaceen sananadii udanbeeyey .

Barnaamijkani caruurta wax-bar ama ( educate a child) waxaa beegsanayaa ama gaadhaya caruur gaadhaysa 20,000 kun oo caruur ah oo ku dhaqan xeebta dheer ee Somaliland taasi oo ay qayb ka tahay gobolka saaxil oo la doonaya in dugsiyada lagu soo celiyo caruur gaadhaysa 6000 kun

Haayada wadaniga ah ee yovenco ayaa waxay ka bilowday deeganadaasi dugsiyo ku meel gaadh ah oo la doonayo in da’yarta wax lagu barro waxay sidoo kale tababaro ay siisay macalimiinta dugsiyada uu barnaamijkani kasocdo Hawlanhani kor loogu qaadayo wax barashada da’yarta waxaa ka wada shaqaynayey ilaa sanadkii 2015-2018 haayada wadaniga ah ee YOVENCO , UNICEF iyo wasaarada waxbarashada Somaliland oo maalgeliyo Mashruuca EDUCATE A CHILD waxaanu kasii socondoona guud ahaanba goobaha iyo deeganada kala gedisan ee gobolka saaxil gaar ahaana deeganada xeebaha galbeedka iyo bariga waa mashruuc ka socda guud ahaanba aduunka waana mid loogu talogalay in lagu yareeyo jahliga ama caruurta aan dugsiyda dhigan, waxaa yaraynayaa tirade caruurta aan dugsiyada dhigan waxaa maalgelinaysa mashruucaasa EAC waxaa ujeedada mashruucani waxaa weeye dhisid kaabayaasha waxbarasho ay kujiraan in la dhiso ilaa 800 oo fasal sidoo kalena waxaa mashruucani qalab waxbarasho oo dhamaystiran ku deeqayaa 308 iskuul oo kula yaala daafaha dunida waxaa sidoo kale tababar la siinayaa 1912 macalin oo lagu tababari doono waxbarashada caruurta iyo xirfada gudbinta macalinimo ee dhinaca acaruurta .

Waxaa sidoo kale tababar lasiin doona gudiyada dugsiyada oo kakooban 308 gudi kuwaasi oo lagu tababari doono habka maamulka iyo maaraynta dugsiyada kuwaasi oo tageeri doona habsami usocodka waxbarashada caruurta .

Waxaa sidoo kale mashruucani xoojinayaa 25 kormeere iyo 25 xafiisyada wasaaarada waxbarashada ee heer gobol. Mashruucani caruurta waxbar waxaa uu beegsanayaa ama ujeedadiisu ugu balaadhani ay tahay in fursad waxbarasho la siiyo arday ay tiradoodu gaadhayso ilaa 64000 oo caruur ah oo aan hore dugsiyada udhigan jirin la la qoro isla markaasina wax la baro waxaa mashruucasina socon doona mudo ku siman ilaa sadex sano .

Mashruucani guud ahaanba Somaliland waxaa loogu talogalay inuu 20 arday uu siiyo fursad waxbarasho iyo deegan ku haboon inay caruurtaasi waxbartaan ,mashruucani waxaa kor usii qaadidoona marba marka ka danbaysa caruurta dugsiyada la keenayo iyadoo la samayn doono tababarada gudida dugsiyada ,olole joogta ah oo kor loogu qaadayo waxbarashada ,samaynta naadiyada caruurta yaryar ee waxbarashada si caruurta laftoodu uga qaybqaadato ololaha keenista dugsiyada ee caruurta yaryar .

Waxaa mashrucani ka shaqaynayaa Somaliland todoba degmo oo kala ah Lughaya, Saylaca, Bulaxaar, Laasciidle, laasqoray, maydh iyo xiis waxaana ka fulinaya saddexda haayadood ee kala YOVENCO, AYODA IYO HAVAYOCCO. Waxbarashada dhulka xeebaha Somaliland ku teedsan waxay ahaayeen kuwo ay soo waajahday caqabado adag oo u baahan taageero Wasaaradda waxbarashada iyo haayadda wadaniga ee YOVENCO waxay qiimayn ku saabsan waxbarashada xeebaha ee labada degmo ee bulaxaaar iyo Laasciidle waxaanay warbixintaasi daaha ka qaaaday inay jiraan deegaamo badan oo aan lahayn waxbarasho, caruur badan oo aan dugsiyadda dhiganin, mushahar la’aan haysata macalimiinta, tayadda macalimiinta oo hoosaysa, tababar la’aanta maamulayaasha dugsiyadda, tababar la’aanta gudida waxbarashada , agab la’aan waxbarasho, in kormeerka iyo dabagalka waxbarashada xoojin u baahan yahay, iyo in dugisyaddii hore ee la sameeyay ay u baahan yihiin taageero iyo horumarin wax ku ool ah . Warbixintaasi waxay ogaaatay in Warbixintaas waxaa lagu ogaaday in 14 tuulo oo ku yaala labadaas degmo aanay lahayn dugsiyo waxbarasho waxaanay kala yihiin Waabaha, Taaga, Bixin Ceelsheekh, Dabaraqas, Higlaale, Geeri, Yees, Baylahmaleh, Faradeero, Ceeldaraad, Duurdhiil, Beeyomacaan and Kalqoray).

Mashruucu wuxuu sameeyay ololeyaal waxbarasho si waalidiinta loogu qanciyo inay caruurta dugsiyadda waxbarasha keenaan taasina waxay kor u qaaday isqorista ardayda dugsiyadda xeebaha ee bulaxaar iyo Laasciidle.

Mashruucu wuxuu qaybiyay qoraalo lagu gaadhsiinayo xogta mashruuca kuwaas oo la gaadhsiiyay bulshada dugsiyadda xeebaha.

Mashruuca caruurta waxbar wuxuu dugsiyadda xeebaha ee labada degmo kusoo daray 2000 oo caruur ah kuwaas oo helay waxbarasho aasaasi

Waxaa tababar lasiiya 30 gudi waxbarasho oo lagu tabaray nidaamka maamulka Gudida waxbarashada CEC’s trained and developed SIPs

Wuxuu tababaray 60 macalin oo lagu tababaray nidaamka naadiyadda caruurta ee dugsiga Wuxuu kor u qaaday kormeerka iyo dabagalka wasaraadda waxbarashada ee heer gobol Wuxuu ugu deeqay agabka waxbarasha 30 dugsi ee ka faaiidaystay masharuuca

Wuxuu dhisay 60 fasal oo ku meeel gaadh ah Wuxuu qalabeeyay 14 xafiis oo dugsiyadda ku meel gaadhka ah Wuxuu gaadhsiiyay 600 kursi iyo miis 30 dugsi ee ka faaiidaystay mashruuca Wuxuu hagaajiyay biyaha, nadaafada iiyo sixida dugsiyadda Wuxuu siiyay guno macalimiin tiradoodu dhan tahay 28 macalin muddo 12 bilood ah Wuxuu taageeray wacyigelina kor u qaadida sixida iyo fayadhawrka dugsiyada oo caruurta xudun u tahay Wuxuu siiyay abaal marin 1000 dollar ah 5 dugsi ee ugu qorshaha iyo waxqabadka wanaagsanaa dugsiyadda xeebaha ee mashruuca Wuxuu dhisay 10 fasal oo cusub oo uu ka kala dhisay waabaha, dabaraqas, ceel sheikh, baylahmaleh, ceel baxay iyo raaribuul wuxuu sidoo kale dayactiray 2 fasal.