MA XIRSI BAAN XILKAS AHAYN , MISE XUBNAHA DHALIILAYAA XAASIDIIN AH OO KA XUN XAYAATADIISA IYO HEERKA NOLOSHIISA

0
Sunday March 02, 2014 - 16:30:30 in by Super Admin
  • Visits: 1244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MA XIRSI BAAN XILKAS AHAYN , MISE XUBNAHA DHALIILAYAA XAASIDIIN AH OO KA XUN XAYAATADIISA IYO HEERKA NOLOSHIISA

    xisti lagama waayo,Adduunyada iyo Xaasid joogta ah Xantiisaba ninkii la Badiyo Baa Xoorka Fuuqsadee,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

xisti lagama waayo,Adduunyada iyo Xaasid joogta ah Xantiisaba ninkii la Badiyo Baa Xoorka Fuuqsadee, xisti lagama waayo,Adduunyada iyo Xaasid joogta ah

Xantiisaba ninkii la Badiyo Baa Xoorka Fuuqsadee,

Xantoba ninkii aan reebi jirin waad u wada xubeerteene!!!!

Maqaalkan haleelka waxaa igu kalifay in aan websedada u soo bandhigo shaqsiyada ugu hadal haynta badan Somaliland oo ah wasiirka madaxtooyada somaliland mudane xirsi ali x.xassan,markaan u kuurgalay shaqsiyada wasiirka madaxtooyada somalilad oo iila muuqda aniga reygagaya shaqsiyada saameyn balaadhan ku yeeshay horumarka Somaliland ay ku naaloonayso,tan iyo wakhtigii loo magacaabay wasiirka madaxtooyada Somaliland,iyo haayada wadooyinka oo la hooskeenay isla wasaarada uu maamulo ee madaxtoooyda.

waa shaqsiyada ay bulshadu inta badan hadal hayso,hadal hayntaasi aniga shaqsiyan waxay ilaa muuqata nin sameyn ku yeeshay horumarka bulshada oo aad arkayso qof kasta oo reer Somaliland ah oo hadal haya wasiirka madaxtooyada iyo hawusha uu qaranka u hayo,waa shaqsiyada cibaado badan,oo la ka cabsi badan anigoo aan aqoon fiican u lahayn, hadana inta iiga muuqatay ama iiga baxdey baa ah in uu yahay nin diinta si fiican ugu dhaqma,dadka ay isyaqaanana marka aad weydiiso waxay kuu sheegayaaan sida khaqlaaqada miidhan ah ee uu kuu soo dhaweynayo, hadii ay noqto xafiiskiisa iyo meelaha ay bulshadu ku kulanto,nin dhagaysi badan oo ku dhagaysana inta aad araartaada wadato,iyo hadalkaaga waa sida hogaamiyaha wanaagsan lagu yaqaana,

Wasiir xirsi waa shaqsiyada saxaafada madaxbaani ay aad u hadal hayso,hawul maalmeelkiisa,ee uu qaranka u hayo,si positive ah bay wax uga qoraan wasiirka iyo waxqabadkiisaba.

waa nin aan had iyo jeer ka jawaabin hadal hayntiisa faraha badan wakhtigana aan isaga lumon hebal u jawaab ,isaga oo dareensan hawusha baaxada leh ee uu u hayo qaranka Somaliland,

shaashadaha la soo fadhiista waxaasan qabtay,waxaasaan soo wada,intaas baa kharash inoo soo xarootay ,wadooyinkii baynu billaabaynaa waa shaqsiyada ku mashquulsan had iyo jeer ,sidii uu hawusha uu madaxweynuhu u igmaday sideeda u dabaqi lahaa,iyada oo la sheegay in uu saacado dheeraad ah shaqeeyo wasiirka madaxtooyadu.

KARTIDA IYO HAWULKARNIMADA…..

Hawul karnimada iyo kartida ayaa ah hibo eebe bixiyo, oo aanu qofna iska keeni Karin,shaqsi kastaabana illahay uu ugu deeqo ,deeqihiisa kale duwan ee uu bixiyo,wasiirku waxa uu karti u yeeshay in uu soo bandhigo,maalyiin doolarka ay bulshadu ugu deeqday wadooyinka dalka,iyada oo laga dawanayeye,shaashada soomaliland,jaraaidada,websedada,iyo dhamaan( mediaha )dalka oo dhan.

Isaga oo qof kasta oo muwaadin ahina ku qancay , sida hufan ee uu u soo bandhigay wasiirka madaxtooyada Somaliland mudane xirsi ali x.xasan kharshaadkaasi

GABO GABO……

Waxa aan maqaal kan ku soo gaba gabayeeynayaa…QIIME QOFKAAGA KARTIDA LEH ,SI AY BULSHADU KUU QIIMAYSO MUWAADIN !!!!!

NINA DHUUNU UGU DHEX JOOGA NINA DHAQASHO

XIRSI MA XILKASBAA MISE XUBNAHA DHALIILAYA,AYAA XAASIDIINA OO KA XUN,XAYAADADISA IYO XEERKA NOLOSHIISHA!!!

Writen by .Abdirisaaq Ahmed Jama(alyoos)

Phone.063-4113511 ama 9110031

Email.alyoos87@hotmail.co.uk


ALLAH MAHED LEH.