Maraykanka oo gacan ka gaysanaya sugidda ammaanka xudduudka Soomaaliya iyo Kenya

0
Thursday March 27, 2014 - 12:37:12 in by salman abdi
  • Visits: 850
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka oo gacan ka gaysanaya sugidda ammaanka xudduudka Soomaaliya iyo Kenya

    Dawladda Maraykanka ayaa Kenya ka caawinaysa sugidda ammaanka xudduudka ay la leedahay Soomaaliya, kadib codsi ka yimid Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Safiirka Maraykanka ee Kenya Robert Godec ayaa Talaadadii (March 25-keedii) sheegay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Maraykanka ayaa Kenya ka caawinaysa sugidda ammaanka xudduudka ay la leedahay Soomaaliya, kadib codsi ka yimid Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Safiirka Maraykanka ee Kenya Robert Godec ayaa Talaadadii (March 25-keedii) sheegay.

Waxaan dareensannahay in ay adag tahay sugidda ammaanka xad dheer oo dhib badan. Waxaan xaqiijinaynaa in arrintani ay hirgasho waxna laga qabto dhibaatada arintan ka danbaysa ee al-Shabaabta ka jirta Soomaaliya," ayuu yiri Godec sida ay soo xigatay Daily Nation-ka Kenya

Maraykanka ayaa sidoo kale Kenya ka caawinaya la-dagaallankaxagjirsiinta ka socota gudahaiyo waxa ka dhalan kara ee ah Khartarra Argagixo ee wadanka Gudihiisa ah,


"Waxaa waajib nagu ah in aan Kenya garab istaagno, waana wax naga go'an in aan ka caawinno in ay dhibaatada haysata ka baxdo," ayuu yidhi.

Godec ayaa sheegay in Xafiiska Danbibaadhista ee Maraykanku uu hay'adaha sirdoonka Kenya ka caawinayo baadhitaanka xaaladaha aragagixisada, kuna boorriyay dawladda Kenya in ay wadahadal la gasho dhalinyarada wax tabanaysa si looga leexiyo xagjirnimada, taas oo uu ula jeedayla wareegii dhawaa ee masaajidka iyo dilalkii ka dhacaymagaalada Mombasa.

"Waxaa la gaadhay wakhtigii kuwa u jilicsan [in la xag-jirnimaysiiyo] la soo dhawayn lahaa waxbarsho fiicanna la siin lahaa," ayuu yidhi.


Afkashacabka.com

Nayrobi /Office

Contact@afkashacabka.com