Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda ookulan la yeeshay Masuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda

0
Tuesday April 28, 2015 - 17:11:32 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda ookulan la yeeshay Masuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda

    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo uu weheliyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradaasi ayaa maanta kulan la qaatay Gudiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo uu weheliyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradaasi ayaa maanta kulan la qaatay Gudiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda.

Kulanka oo ay Warbaahintu dibad joog ka ahayd ayaa markii uu soo idlaaday waxa si wada jir ah Warbaahinta ula hadlay Gudoomiyaha Gudigaas Md. Cumar Maxamed Sanweyne iyo Wasiirka Maaliyadda Zamzam Cabdi Aadam.

Xil.Sanweyne oo afka gudiga ku hadlayay,ayaa tilmaamay ujeedka kulanka maanta ay Wasiirka Maaliyadda wada qaateen,waxaanu sheegay inuu kulanku daaranaa sidii ay wada shaqayn joogta ahi u dhex mari lahayd Wasaaradda Maaliyadda iyo Gudi-hoosaadka dhaqaalaha ee ee Golaha Wakiiladda Somaliland,maadama ayuu yidhi Wasiirku ku cusub yahay Wasaaradda oo dhawaan ay Xilka Wasaaradda la wareegtay.

Dhinaceeda Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Marwo; Samsam Cabdi Aadan oo iyana halkaas ka hadashay ayaa sheegtay in Kulanka ay maanta gudiga la qaateen wuu ahaa mid wax ku ool ah,isla markaana ay wax badan ka faa’iideen.waxaana ay intaas raacisay inay Gudiga is-la af-garteen sidii ay Wasaaradda gacan uga siin lahaayeen ol-olaha Cashuur ururinta ee haatan Wasaaraddu ku hawl-lantahay.