INTAYNU GURI IYO DAAR DHISAYNO AYNU BULSHO CAAFIMAAD QABTA DHISNO,,,BY ABDIRASHID OSMAN

0
Tuesday April 15, 2014 - 09:26:59 in by Super Admin
  • Visits: 1140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    INTAYNU GURI IYO DAAR DHISAYNO AYNU BULSHO CAAFIMAAD QABTA DHISNO,,,BY ABDIRASHID OSMAN

    dhamaan waxaan salaamayaa bulshada somaliland meel kasta ay joogto debed iyo gudaba ,mudanayaal iyo marwooyinba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

dhamaan waxaan salaamayaa bulshada somaliland meel kasta ay joogto debed iyo gudaba ,mudanayaal iyo marwooyinba.

 
 
 
mujtamacaadkaa farahabadan ee koonkan ilaahay ku abuuray ee jinsi iyo caqiidaba ku kala duwan hadana waxay wadaagaan mid kulmisa oo ah ta bini aadamnimada dhamaan mujtamacaadka caalamka ku noole mid waliba wuxuu leeyahay thaqaafad ama dhaqan u gaara oo uu ku dhaqmo haday noqoto mid soo jireena ama mid (muktasaba)ama meelo kale uga soo gashay lana falgashay dhaqankiisii asalka ahaa.

mujtamacaadkaa farahabadan ee koonkan ilaahay ku abuuray ee jinsi iyo caqiidaba ku kala duwan hadana waxay wadaagaan mid kulmisa oo ah ta bini aadamnimada o gaal iyo muslim aan lagu kala tegayn ,fikrado badan iyo mucaamalaad badana ay wada wadaagaan ilaa xataa ay thaqaafado badan isu gudbiyeen oo qoloba qolada kale ku talaashay dhaqankeeda wax ka mida.

 
hadaan ku soo dhawaado mowduuca maanta isoo jiitay ee aan jeclaaday inaan wax yar ka idhaahdo ,markaan arkay bulshada somaliland si gaarana u diraasadeeyey, waxaynu nahay horta mujtamaca islaamiya laguna tiriyo ama inaynu asal ahaan ka soo jeedno jinsiga carabta,si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata inaynu carabta waxyaalo badan wadaagno marka laga yimaado diinta, thaqaafado iyo dhaqano badana iskaga midnahay meela kaloo badana kukala duwanahay.

 
 
sidaan hore u soo sheegay dhaqanku waa mid mujtamaca u asala oo soo jireena iyo mid uu ka kasbado mujtamacaadka kale oo uga timaada taasina waxay ku timaadaa is dhexgalka iyo aqbalaada mujtamacaadka kale thaqaafadooda,waxaa hadaba bulshada somaliland si gaara markaan uga hadlo ay ku sifoobeen inaanay ahayn dad jecel is dhexgalka ama kumilanka mujtamacaadka ay la noolyihiin ama ka soo dhex gala bulshadooda oo ay takooraanba soo dhawayna hadalkeedaba daa,halkaa markaa waxaa ka baxaysa thaqaafadihii mujtamacaadka kale ee muktasabka ahaa oo inagu yar, dhaqanka ama culture kuna wuxuu hodan ku noqdaa markuu kala duwanyahay ama uu leeyahay noocyo badan waana ta bulshada ka dhigta mid ka tilmaaman mujtamacaadka kale(,markaa leeyahay dhaqanka soo galeetiga ah maaha ka xun ee waa ka wanaagsan ee dadkeena iyo diinteenuba aqbalaan).

maanta waxaan jecel ahay inaan laba shay oo inagu yar oo runtii aan bulshadeenu aanay ahamiyad siin diinteenuna dhiiri geliso danimaduna ku dhisanto ayaan in yar wax ka odhan lahaa.

 
 
1-Thaqaafatul ixtiraam,markaan sidaa leeyahay maaha ixtiraam malaha ama kuma dhaqmo mujtamaceenu lakiin waa mid aan ku saluugay oo aan ahayn sidii loo baahnaa waana mid caama oo wax waliba soo galaan,hadaan misaal soo qaato ixtiramka ra,yiga qofka kale iyo fikirkiisa waa mid aan aad inoogu yar waxaanaynu bedel keeda taa noqotay burinta iyo diidmada ra,yiga qofka kale haday noqoto siyaasiyiin ,aqoonyahano ama mujtamaca intiisa kaleba,waxaad moodaa inaynu qofba qofka kale ra,yigiisa wuxuu doono ha noqdee inuu inuu tirtirayo oo aanu waxba ka soo qaadin.
waxaad kaloo arkaysaa da,dii oo aan laysku ixtiraamayn ,aqoontii,waaya aragnimadii,indheergaradnimadii,waxyaalaha yaryar ee aad is odhanayso mujtamaca maxaa ka siya qof yar oo qof ka da,wayn faraha ku taagaya bal aflagaadaynaya iyo waxyaalo kaloo badan oo ay ka midyihiin:

 
A-thaqaafada dulqaadka ama isu dulqaadashada
 
B-thaqaafada wakhtiga, waxaynu ogsoonahay in wakhtigu inta badan inagaga lumo wax aan inoo dan,ahayn,halka mujtamacaadka kale ka ilaashadaan daqiiqadaha inagu saacado ayeynu luminaa kuna luminaa waxyaalo dhib inoo gaysta sida (QAADKA).
C-thaqaafada tarbiyada caruurta ,waa mid aynu kanahay sabool ,waxaa cadaana oo aynu aragnaa ilmaha gurigiisa lagu tarbiyadayn waayo suuqa ama debedaa tarbiyadaysa ,taasna cawaaqibkeeda waynu ognahay.
 
 
D-thaqaafada hadalka,waxaynu nahay bulsho hadal badan lakiin ficilyar ,hadii meel laysugu yimaado waxaa laga yaabaa inaynu hadalo saacado ama ayaamo lakiin marka lagu kala dareero aan waxba ka soo bixin,halka umadaha kale ilaaliyaan ajandaha hadalka iyo inta ka hadlaysa yagoo door bidaya waxa ka soo bixi doona.
F-thaqaafada balan oofinta,waa mid ka mida diinteenu waxay ina fartay ,maahmaaho badan baynu ka naahaa laakiinse kuma dhaqano.
waxyaalahaa iyo qaar kaloo badani waa kuwo u baahan inaynu ilaalino,bulshow ogow diinteenaana intaa iyo inkabadanba ina fartaye,waxaanad moodaa mujtamacaad aan muslim ahayni inay intaa iyo in kabadan ba ku dhaqamaan oo diinteenu inagu dhiiri gelisay.

 
 
2-ta kale ee aan jecel ahay inaan xuso yaduna waxaa weeye THAQAAFADA IXTIRAAMKA QAWAANIINTA IYO KALA DANBAYNTA,waa mid aad u muhiima in mujtamacu kala ogaado in xukunka iyo masuuliyada haysa mujtamacna aanu ka maarmin maamul iyo in u hogaansanaata qawaaniinta iyo distoorka u yaala markaa mujtamacaa.

waxaynu ku caan nahay inaynaan is maqlinba marka horeba iskadaa kala danbaynoo,daliilka kuugu dhow ee aan akhristow kuu soo qaadayaa ,askariga laamiga taagan ee cadceedaa dhacaysa iyo dhibta ka haysata macaashyarida ee hadana u taagan siduu nidaamka ugu dhiqilahaa bulshada maraysa laamiga ee baabuurta wata oo aan dheg loo dhigayn,bal tacadi ka soo gaadhayo iyo aflagaado mararka qaarkood.

 
guntii iyo gabagabadii bulshow waxaynu u baahanahay inaynu mujtamac dhisno caafimaadqaba intaynaan guri iyo daar dhisan,ma rumaysanaysaan in bulshadeenu weli caydo DIINTA,(walaa xowlilaah walaa quwata ilaa bilaah),akhristow dhaqamadaas iyo thaqaafadahaasi maaha kuwo aynaan ku dhaqmi karaynin waayo diinteenaaba ina fartay ,lakiin waa kuwo u baahan in horta mujtamacu u soo noqdo diinteena suuban iyo dhaqankeenii asalka ahaa,waa inaynu noqonaa mujtamac furfuran oo mujtamacaadka kale ka soo qaata wixii wanaagsan ee aan diinta ka hor imanaynin,akhristow intaaba qaar baynu u naqaanaa ceeb ku dhaqankeeda miyaanayn jahli iyo aqoon daro ahayn.

waxaan ilaahay bulshadeena uga rajaynayaa inuu ka dhigo kuwii ku dhaqma diintooda ,dhaqankoodii wanaagsanaana ku soo celiya kuwa muktasabka ah ee wanaagsana qaata.


 
allaa mahadlle ,,


abdirashid osman
abdirashidsmn@yahoo.com
Dubai / UAE
00971506972985